|

Abshir Huruuse oo madaxweynaha Puntland u sharaxan

Garoowe December 18, 2023 (QJ) -Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo warqad iscasilaad ah u gudbiyay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Bare.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in uu waqti iyo juhdi u huro sidii uu uga qeyb qaadan lahaa doorashada dhawaan ka dhaceysa deegaanada maamulka Puntland.

Haruuse ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guulaha la taaban karo ee uu gaaray mudadii uu joogay dowladda Soomaaliya, sida dadaallada lagula dagaalamayo burcad badeedda, deyn cafinta, ku biirista bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka qeyb qaadashada doorka ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD. (IGAD).

Abshir Haruuse ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, waxaana la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee doorashada soo socota.

Comments are closed