|

Abiy oo Imaraadka weydiiyay halka ay martay saamigoodii Dekedda Berbera

Abu Dubai (QJ) – Raiisul Wasraaha dalka Itoobiya ayaa oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaala sheegay in uu madaxda dalkaas kala hadlay samigii Itoobiya ee Dekedda Berbera.

Sida uu daabacay wargeyska The Jordan Post waxa la sheegay in Abiy kala hadlay saamiga Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan.

Heshiis 2016kii ay wada saxeexeen Itoobiya, Somaliland iyo DP World ayaa saamiga loogu kala qeybsadaya 51%, 30% iyo 19%.

Balse Sacad Cali Shire oo ah wasiirka maaliyada Somaliland ayaa sheegay dhawaan in Itoobiya aaney wax saami ah ku leheyn dekedda Berbera.

“Saamiga shirkada DPworld Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayay leedahay DPworld-na 65%, heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yiri Wasiir Shire.

Itoobiya oo dagaalo woqooyigeeda ka socda ay gaarsiiyeen burbur dhaqaale oo baahsan ayaa iminka baadi goob ugu jirta ka soo kabashada burburkaas.

“Abiy wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale oo uu ku hormariyo adeegyada aas-aasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera, si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekadaas,” ayuu yiri Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.

Wargeysku ma daabicin jawaabta UAE ay ka siiyeen raisul wasaaraha Itoobiya suaasha la xiriirta saamigii dalkaa ee Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, warar dhawaan la shaaciyay ayaa sheegaya in dawlada Itoobiya ay haatan xiiseyneyso dekeda magaalo xeebeeda Seylac ee gobolka Awdal.

Xukuumada Somaliland ayaa beenisay in Itoobiya dhawaan madaxweynaha Somaliland oo booqday Addis Ababa kala hadashay dekedda Seylac.

Comments are closed