Abiy Axmed oo ka hadlay heshiiska Badda ee Somaliland
Addis Ababa February 06 2024 (QJ)-Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta hortagay Golaha Wakiilada Itoobiya ayaa ka jawaabay su’aalo ay wakiiladu ka weydiiyeen heshiiskii dhinaca badda ee dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan marnaba dooneyn in ay colaad la gasho Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay dalal uusan magacaabin oo doonaya inay fidno iyo colaad ka dhex abuuraan Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa carabka ku dhuftay in dhowr kun oo askari oo Itoobiyaan ah ay naftooda u hureen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shacabka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay ka go’an tahay midnimada Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay in dowladdiisa aysan marnaba ku talo jirin inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya ama ay farageliso arrimaheeda gudaha, isagoo muujiyay sida Itoobiya ay u garab taagan tahay Soomaaliya iyo shacabkeeda.
Abiy Axmed ayaa sidoo kale ku andacooday in Soomaalida ugu badan ee ka baxsan Soomaaliya ay ku nool yihiin Itoobiya.
Hadalka Abiy Axmed uu maanta ka hor sheegay baarlamaanka Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay marayso heerkii ugu sarreeyay, kaddib heshiiskii badda ee dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo badan oo caalamka ka tirsan.