|

Abiy Axmed oo damcay dekedda Zeylac

Addis Ababa October 15, 2023 (QJ) – –Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa khudbad uu ka hor jeediyay Baarlamaanka Itoobiya  uu kaga hadlay damaca Itoobiya ee dalkiisa oo aan bad lahayn inuu yeesho deked u gaar ah.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dalalka deriska ah, sida Jabuuti ay maalgashi ka helaan Shiinaha, Berberana Imaaraadka Carabta, Muqdishona ay ka helaan Turkiga. Abiy Axmed ayaa muujiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay hesho dekedd u gaar ah.

Si arrintan ay ugu shaqeyso Itoobiya, Abiy Axmed waxa uu soo jeediyay in dalkiisu uu diyaar u yahay in laga siiyo biyo xireenka Abay, Ethiopian Airlines, iyo Isgaarsiinta Itoobiya, dalkii ku bedelanaya dekked, isagoo si gaar ahana u xusay dekedda Zeylac.

Abiy Axmed ayaa xusay in aysan suurtagal ahayn in dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, kaasoo ku dhawaan doona ama ka badan doona 150 milyan oo qof dhowr sano gudahood uu ku sii jiro bad la’aan.

Itoobiya waxay ahayd dal aan bad lahayn tan iyo markii ay Eritrea heshay dawladnimo, Itoobiya waxay hadda u isticmaashaa dekedaha Jabuuti iyo Berbera baahida dhoofinta iyo soo dejinta.

Comments are closed