|

Abiib Timo-cad Oo Xilkii Wasaaradda Warshadaha Wareejiyey, Kahor Inta aan La Magacaabin Ciddii Beddeli Lahayd

Hargeysa:Mar,05,2015(SWDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Warshada Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo dhawaan iscasilay, ayaa Maanta xilkii wasaaradaas ku wareejiyey  wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaraddaas dhawaan loo magacaabay Cali Axmed Maxamed.

biigMunaasibaddan xil-wareejinta ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaanu wasiirka hore wax hadal oo badan ka odhanin, waxana uu sheegay kaliya inuu shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradaas kala kulmay wada-shaqayn heer sare ahayd intii uu joogay.

Mudane Abiib, ayaa laba maalmood ka hor ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii wasaaradda Warshadaha, isagoo sababta Tegintaankiisana ku sheegay inay taladii waddanku badatay oo aanu madaxweynuhu hoggaankii waddanka si fiican u haynin.

Wasiir Abiib  ayaa la sida muuqata iscasilaadiisa waxa aqbalay madaxweyne Siilaanyo, waxana  uu diiday inuu xil-wareejinta la sugo cidda madaxweynuhu soo magacaabayo.

Sida wararku sheegayaan waxa uu Abiib Timo-cad ku wargeliyey xarunta Madaxtooyada inuu xilka wasaaradda ku wareejin doonto masuuulka ugu sarreeya Wasaaradda, kaas oo noqday ku-xigeenka cusub ee dhawaan la keenay.

Mudane abiib ayaa saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxana iscasilaadiisa lagu xidhiidhiyey Middii Wasiir Samaale oo saacado uun ka horraysay, iyadoo haatan  labadaas masuul ay dibadda ka yihiin Golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed