ABDI GOOD ABEESOW HALKAA KA WAD OO HEESTII XUNBA QASHINKA KU TUUR
Salaan qiimo badan dhamaan dadka fariintan akhriya.
Waxaan halkan amaan iyo dhiiri galin aan la soo koobi Karin ugu gudbinaya Cabdi Good Abees oo si geesinimo iyo xilkasnimo leh ugu badheedhey inuu wax ka sheego ama kashiba heesaha badhaasuqa iyo fusuqa isugu jira ee imika lagu hayo suuqayada fanka Somalida. Heesahaasi ma laha xikmad dhadhan iyo murti midnaba, keliya waa heeso cawro ah, qaawan oo sexist ah…!!!!
Hees baan sameeyay oo maxaad tidhi waxaan idhi “Ku hay, ku hay halkii aan rabey ku hay” Mida kale ayaan semeeyay oo maxaad tidhi waxaan idhi “Naasahaga markaan qaawiyabey xaadu I dhaqaaqda”……Subxaanka Yaa Cadiim.
Ninka innan (Gabadh), ma geydo ah
Gurac kaga sineystee gol qaniin ku maalow
Cida ay ka go`an tahey gabadhaada weeyen.
Weligaaba gabadh Somaliyeed xumee waligaaba hees xun u dhiib, weligaaba korkeeda ku gama oo sidaad doonto ugu galgalo, weligaba Yurub iyo America oo aad ku dawarsato ka tag oo dalkii u dhoof ka dibna Gabdho yaryar oo nolasha la qawadsiiyey, geyaankood bilaa camal yihiin, kuna hiyi kacsan hilaaca Galbeedka ka baxeeya soo xumee, u soo faan been u soo sheeg, adigoo reerkaagii daycay ama inantadii soo dhaqan celiyey, qaar kale soo baabii. Bal ogow godobtaa aad gelaysa ee u dhimaneysa iney noqon doonto, naagtada, Walaasha, Gabadhada iyo ehelkaaga
Shan Afraad shan afraad
Biirta kii ka aslaa oori deydayee
Ilko dhiig leh maxaa lagu aaminaya!!!
Aroosow magacaa
(Hadraawi maansada Ubax)
Ninkii boqolka hablood xumeeyay, ninkii heesaha qaawan sameeyay ayaa hadhowna doonaya, inuu guursado gabadh xishood leh, dhaqan leh iyo dadnimaba leh oo weligeedna aan faro rag ooh ore ku dhicin. Xaguu ka keenaya sowkii hablihii wada baabiyey !!!!!!!!!!!!!!!!!!1.
Dabcan sida umadnimadii Somalidu u baa`badey ayaa dhaqankii, milgihii, sharaftii iyo karaamadii umadnimana daadku u qaadey, lakiin waxaa jira weli dad sida Abdi Good nool arkanaya sidoo loo sii cadeedsanayo ama loo sii dhimanayo
Guntii iyo Gebagabadii waxaan leeyahey, Abdi Good shaqada uu umada u qabtey waa shaqadii lagu tageeri lahaa, waa shaqadii lagu amaani lahaa, waa shaqadii lagu dhiirin gelin lahaa, waa midii wax lagala qaban lahaa. Muu muteysan in la caayo in la caarido iyo in la xagxagto midnaba. Waxaan leeyahey Cabdi Goodow halkaa u tagaanow oo heestii kasta ee waali socotaba aakhiro u dir. Weliba Subaxaanka yaa cadiimta ku badi si sheydaanku u cararo
Osman Omar Dool
Oslo Norway