Abaabul Dagaal oo Laga Dareemayo Magaalada Garowe iyo dhaqdhaqaaq Ciidan oo Socda
Garowe 18.June 2014 (SDN/QJ)- Maamulka Somaliyeed Ee puntland ayaa Ciidamo soo dhoobtay Jihooyinka Xuduudka Laascaanood iyo Taleex kadib markii madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo Saddexda Gole qaran oo ay Weheliyaan Saddexda Xisbi Qaran ku dhawaaqeen difaacida Somaliland.
Wararkan Naga soo Gaadhay Deegaankaasi ayaa Sheegay in maamulka Garoowe waddo sifooyin saan saan colaadeed oo ku aadan gobolada Sool iyo Sanaag isagoo hore Madaxwayna Cabdiwali Gaas ku dhawaaqay in Dagaal Lagu Qaado Somaliland.
Maamulka puntland Aya waxa uu Sheeganayaa Inuu isagu Leeyahay Dhulka Gobolka Sool iyo Sanaag oo deegaan ahaan iyo xuduud ahaan ka tirsan Somaliland.
Ciidamadan Ay Maamulka Puntland ku soo Daadguraynayso Xuduudka ayaa waxa si dhaw ula socda Ciidamada Somaliland oo ku sugan deegaamo badan oo ku teedsan Xuduudka Somaliland .
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com