|

Aasaarta Qadiimiga ah ee ku dayacan Degaanada iyo Degmooyink​a Somaliland oo ay Xukuumadii ay maganta iyo maciinka u aheyd ay dooneyso in ay ka xaraashto Goobaha Yurub ee Taariikhda lagu keydiyo

Muwaadinow ma og-tahay in qarankan yar ee ragaadey ee raranka maanta saarani uu illaahay ku maneystey Aasaarta Qadiimiga ah. hadey tahay Aasaarta Muuqata ( external features) iyo hadii ay tahay Aasaarta Qarsoon ( Internal feartures).

 “Aasaarta ” ama “Antiquity“.oo ah muuqaalo  kasta oo kala duwan  oo ka turjumaaya taariikhihii  hore  ee ay ku sugnaayeen ummaddihii inagaga soo horeeyey bogcadan yar ee weli Dihin ama Riman ee illaahay nasiibka inoo siiyey in aynu ku negaano..Waxaa S/Land ka buuxa oo illaahay ku maneystey Dhismayaal qadiimi ah,muuqaalo  Taariikh huwan iyo  sawiro midabyo kala duwan ku-xardhan oo qarniyo badan oo hore  soo jirey,  kuwaas oo  fure u noqon kara in wax badan laga ogaado duruufihii ku xeernaa iyo  Diimihii ay Caabudi jireen, ilbaxnimadii ay gaadheen ummaddii inaga-ga soo horeeyey geyigan barakeysan ee Somaliland . Quruumahaa oo aynu ka dhaxalney  aasaar taariikh dheer leh ee hada noqdey Aasaarta qaaliga ah ee qadiimiga ah.
Asaarta Qadiimiga ah ee qiimaha leh ee  taariikhda dheer huwan ee ku kala filiqsan degaanada Somaliland ayaa waxay u  kala baxdaa laba qaybood oo kala ah :-
 1. Aasaarta  muuqata (External features),sida: Dhismayaashii hore,Qalcadaha,Macbadyada (goobaha wax lagu caabudo),Dayrarka, Qalcadaha,Xabaalaha iyo Xawaalada  i.w.m. Waxa aynu tusaale u soo qaadaneynaa Masaajidka leh labada Qibladood ee ku yaala Magaalada Seylac, Waxaa Masaajidkaa soo foodsaarey dayac badan oo sababtey in labadii qibladood midi dunto oo baabado, Waxaa kale oo aan iyadana aan tusaale u soo qaadan karnaa oo iyana ay beryahan danbe uu dayac badani ka muuqdaa Aassaarta Qadiimiga ah ee Degmada Las-Geel oo Sawiradii qadiimiga ahaa ay biyo baabiiyeen intii hadheyna ay dadku masaxeen oo ay xaquuqeen halkaasna sawiradii ku baa”ba’een.  Goobaha taariikhiga ah ee Laas-geel waxay u badan yihiin godad hoos loogu daa-dego oo leh farshaxan farsamo huwan oo ku xaradhan midabeysan weli muuqda iyo sawiro farshaxanimo ka muuqato oo sibaaqeysan. waxaa kale oo ay Laas-geel  aad ku arki kartaa astaamo badan oo muujinaya in quruumo ilbax ahi ay ku noolaan jireen qarniyo badan ka hor degaankaas isaga ah.
2Aasaarta  Qarsoon (Internal features) ,Waa shay kasta oo aan si fudud loo arki karin laakiin una baahan in la qodo oo la baadi-goobo sida ,magaalooyinka aasmay iyo wax kasta oo ku duugan dhulka hoostiisa mudo qarniyo ahna halkaas ku aasnaa..Waxaana aynu tusaale u soo qaadaneynaa Magaalada Aasan ee magaceeda la yidhaaho Fardowsa ee ku taala degaanka caanka ah ee Degmada Sheikh, Waxaa magaaladaa ku dhacay dayac badan waxaana  laga biliqeystey Agab badan oo qadiimi ahaa oo Weel ubadnaa oo hadii aan laga qaadan lahey noqon lahaa tariikh  keydka u galasha Somaliland soona jiidata dalxiisayaal badan oo dunida Dacaladeeda ka kala iman lahaa. Waxaa kale oo iyana hada qashinka lagu guraa oo dhulkii ka banaanaa lagu sii durkayaa Surimadii, Godadkii iyo maqsinadii ay Magaaladaasi ka kooneyd oo haatan ay sii libdheysaba muuqaaladii dadka soo jiidan jirey ee ay magaaladaasi lahaan jirtey..
Waxaa  kale oo Somaliland ay  caan ku yahay goobaha taariikhiga ah ama goobo ay ka muuqdaan  dhaqanadii ay lahayeen dadyowgii inooga soo horeeyey degaankan aynu maanta ku nool-nahay ee Somaliland.Dhulkan aynu salka ku hayno ee somaliland waxa taariikhyahanadii yimi dhawaan iyo horeba  ay u bixiyeen Dhulkii aan weligii laga Guurin ama dhulkii Aabayaasha. Hase yeeshee nasiib daro waxaa ka muuqda goobihii qadiimiga ahaa oo dhan Dulmi, Dayacaad, Bililiqeysi,Ogaanshiiyo la,aan iyo Daryeel la,aan, aad u- fara badan.  Tirada Goobaha Qadiimiga ah ee u-liis-gareysan hayada Dalxiiska ee Somaliland waxay Gaadhayaan ilaa 154 goobood oo isugu jiraan goobo sawir gacmeedyo leh, Xabaalo, Xabaalo-wadareedyo, Xawaalo iyo Qudbiyo  taariikh dheer huwan, Taalooyin , Qalcado iyo Magaalooyin Qadiimi ah. magaalooyinkaa Qadiimiga ahi waxay isugu jiraan qaar Aasmey, kuwo Raadkoodii weli sii muuqdo iyo kuwo ay gaadheen magaalooyinkeena quruxda badan ee hada jira ,kuwaas oo la dul-degay iyaga oo aan laga war hayn.
Waxaa la isku raacey  in ay jiraan Somaliland tiro gaadheysa ilaa iyo 107 Magaalo oo qadiimi ah, waxaana  Magaalooyinka ka mid ah kuwan hoose:
 Seylac,Awbuube,Boon, Derbiyo cad-cado,Derbiga cad, Beenyodheen,Awbarkhadleh,Bagaan, Qalcada,Qabuuraale,Xabaalo tummalo, Iskudar,Awliyo-koonbo- Cadaadley,Biyo-guure,Farduusa-sheekh.Gidheys,Ceeldheere-burco,Goha,Siyaara, Karin,Ceeg-weyne,Seeto-burco,Abdara,Lafta-dheriyaley,Laas-caanood,Godaalo,Maduulo-Ceelafweyn,God-caanood,Katama,Hartiimi,Xiis iyo Maydh,Dayaxa,Shalcaan iyo qaar kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Magaalooyinka Qadiimiga ah ee ugu dada waaweyn waxaa ka mid ah: Dhagax kuure oo ku taala waqooyiga Hargeysa, Seeto oo kutaala Burco,iyo  Farduusa oo ku taala degmada sheekh.
Waxaa iyana Somaliland ay caan ku tahay Xabaalaha Qadiimiga ah, kuwaas oo loo kala saarey in xaalahaasi ka kooban yihiin ilaa iyo 43 qaab oo kala duwan oo dadkii hore ay wax u Aasi jireen. waxa ay Xabaalahaasi muujinayaan in sara joog wax loo aasi jirey, in dadka inta la fadhiisiyo la aasi jirey, in dadka iyo maalkooda mar la isla aasi jirey. waxaa iyana aad u badan oo Somaliland caan ku tahay Xabaalihii taariikhiga ahaa ee dadka lagu Aasi jirey markii Diinta Islaamku wadanka soo gaadhey sida qudbiyada lagu arki karo qaar ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee weli sii taagan.
Goobaha iyaguna taariikhda dheer muujiyey ee ay ka muuqdaan Sawir gacmeeyadayad ringiyo, bakhaano iyo Sibaaqyo kala duwan oo lagu xardhey ayaa iyaguna ah Assaarta qadiimiga ah ee Ilaahay kumaneystey  Dhulka Somaliland.Waxaana  goobahaa ka mid ah kuwan: Laas-geel,Galxidigaale, Xabaal jini, Gabiiley, Daarosalaam, Dhagax-kureh, Dagooman, Dhagax-gobaad, Dacawaaleh, Shabeelweyne,Dhagaxa sumada leh, Garbokeyleh, Dhagax-nebigaley, Indho, Miriye, Baw-bawleh, Dhagax-xardhane, Sabeeno-boob, Gud-gud, Hartimi, Geelkuqoran, midhishiyo, God-aalo, Laas-caanood iyo Yoocane.
Waxaa intaa aan kor ku soo sheegay  dheer oo ay Somaliland iyana caan ku tahay In Xeebaha Somaliland ay ku aasan yihiin Maraakiib iyo Doonyo Qadiimi ah oo degay bada gunteeda Qarniyo badan ka hor  kuwaas oo hadii la soo saaro noqonaaya Antiik Qaali ah oo Somaliland ay ka heli karto Dhaqaale aad u-badan.
Hadaba  dhawaan waxaa fajaciso iyo afkalaqaad ku noqotey shacabkii deganaa Degmada Laas-geel ee uu illaahay ku maneystey Aasaarta Qadiimiga ah markii  uu dhawaan booqasho gaaban uu ku yimi Wasiirka Wasaarada dhalinyarada/ Ciyaaraha iyo Dalxiiska kaas oo dabada ku watey koox dilaaliin ah oo Suuq-geeya Aasaarta Qadiimiga ah si uu dhawaan uga Xaraasho Aasaartaa Qadiimiga ah ee uu masuuliyadeedii uu hore udayacey. Hadaba waxaan leeyahay Wasiirkaa kiisha dheer usoo toshey Assadkii iyo Aasaartii Qadiimiga aheyd ee wadanka  ” Waa kugu ceeb iyo Cawaaqib xumo ummaddii xilka laguugu dhiibey in aad waxay haytaan ubisleyso ama ubarakeyso in aad wixii yaraa ee ay haysteen aad ka lunsato oo aad Suuq madow kaga xaraashto”..
Guntii iyo Gebagebadii:  Waxaan shacabka reer Somaliland aan ogeysiinayaa Gaar ahaan reer Laas-Geel  in ay ilaashadaan Aasaarta Qiimaha leh ee Qadiimiga ah. Waxaana aan leeyahay Waxa aad ogaataan in  aad noqoneysaan  dad qiimo  iyo taariikh dheer leh, hadii aad  ilaashataan dhaxalkiina, ,taariikhdiina  iyo goobahiina  qadiimiga ah ee ka turjumaya ilbaxnimadii  iyo horumarkii ay gaadheen Quruumihii  hore ee aad  ku abtirsan-jirteen kana soo tafiiranteen.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Comments are closed