|

Aas Qaran oo loo Sameeyay Gudoomiye ku Xigeenkii 1aad ee Golaha Guurtida Somaliland

Hargaysa 03.April (SDN)  Madaxweynaha JSL ayaa maanta tacsi u diray shacabka somaliland iyo qoyskii uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Marxuum Sh Axmed Sh Nuux Furre Gudoomiye ku xigeenkii Kowaad ee Golaha Guurtida JSLand   oo maanta  Aas Qaran loogu  Sameeyay Xabaalaha Gol-jano ee magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka oo ay ka qayb galeen Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida, Gudoomiyaha  iyo Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye  Xildhibaano ka tiirsan labada Gole Baarlamaan, Salaadiin,Wasiiru dawlaha  Wasaarada Maaliyadda iyo madax kale oo tiro badan.

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha  Guurtida Mud, Siciid Jaamac Cali , oo halkaa ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay doorkii uu marxuumku   ku lahaa Golaha Guurtida JSLand  isaga oo ka mid ahaa ayuu yidhi  Duqaydii ugu horaysay ee lagu aasaasay Golaha Guurtida.

Waxa kale oo  isna Halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Nuuse Biixi Cabdi, Waxaanuu  ka waramay taariikhdii sheekha iyo doorkii  uu ku lahaa halganka dib u xoraynta dalka, isaga oo intaa raaciyey inay  ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabo.

Waxa kale oo isna si faah-faahsan taariikhdii  Marxuumka uga waramay Maxamed kaahin Axmed Gudoomiye xigeenka kowaad ee Xisbiga kulmiye, waxaanuu sheegay in marxuumku uu  ahaa  hormoodkii  Qarankan  u soo halgamay,  waxaanuu intaa raaciyey in Sheekh Axmed  uu yahay Halyay  ka baxay Qaranka Somaliland.  Waxaanuu ilaahay uga rajeeyey naxariistii Jano.

M salaadiin iyo madaxdii kale  ee aaska  ka qayb galauy  ayaa iyanahalkaa hadalo ku taxan taariikhdii  marxuumka  ka soo jeediyey

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM,  SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.

Madaxweynaha JSL, oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu  marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

 

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed