Aas balaadhan oo loo sameeyay Marxuun Suldaan Bare Warsame iyo Weedhihii Madaxda {DHAGAYSO}
Hargaysa 22.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo ay Weheliyaan Shir Gudoonada Golayaasha Qaranka,Madaxda Xisbiyada,Madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale ayaa Galabta ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyay alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Barre Warsame Shire oo ku geeriyooday Shil baabuur kadib markii uu Xalay dooxa dacar budhuq qaaday.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,Xubno Wasiiro ah iyo Mas’uuliyiin kale duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa marxuunka ku sifeeyay Oday nabadoon ahaa kana soo qayb qaatay dhismihii dalka iyo nabadayntiisa iyagoo sheegay in Shilka uu ku geeriyooday uu ahaa Safar uu kaga shaqaynayay Nabadgalyada iyo isu soo jiidka bulshadiisa,Xili uu ku sii jeeday deegaanka God Heeli oo shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah,Waxay Madaxdani eebbe uga baryeen inuu naxariistiisii jano ugu deeqo Marxuun Suldaan Barre Warsame Shire Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo qoyskii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Marxuunka ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland, Hubka dhigistii ciidamada iyo wada noolaashaha beelaha somaliland.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in marxuumku yahay tiir ka mid ah tiirarka madax-dhaqamka oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Guji Halkan Si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Hadaladii ay kmadaxdu ka jeediyeen aaska
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/aaskaSuldaanka.mp3″]
Hargaysa SDN.