“ Aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga,” Safiirka Cusub Ee Talyaaniga Ee Somaliya
Muqdisho: 29,June,2014(SDN/QJ)-Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Italy Mr. Fabrizio Marcelli islamarkaana Madaxweynaha soo gaadhsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Italy.
Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ Aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga,” Ayuu yidhi Safiirku.
Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay dib-u-dhiska dalka iyo xasilinta Dalka isaga oo sheegay in ay dib u bilaabi doonaan maashaariicdii ay ka fulin jireen Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xidhiidh qoto dheer la la hayd Dowladda Italy, waxuuna safiirka u sheegay inuu dar-dar geliyo xoojinta xidhiidhka labada dal.
Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yidhi “ Waxaan uga mahad-celinayaa dowladda Italy sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”.
SDN/QJ-Muqdisho