Aabe Soomaaliyeed oo Norway ku nool oo dedaal ugu jira soo furashada laba gabdhood oo uu dhalay oo Syria lagu heysto
Oslo Dec 27,2013(SDN)-Aabo Soomalaiyeed oo laba gabdhood oo uu dhalay ay u socdaaleen dalka dagaalada halakeeyeen ee Syria ayaa dedaal ugu jira sidii uu dib ugu soo celin lahaa dalka Norway.
Jamac Sadiiq ayaa laba gabdhood oo uu dhalay maskaxda looga xaday Masjid ku yaal Oslo ka dibna u baxday dalka Syria sida uu saxaafada u sheegay.
Aabahan Soomalaiyeed ayaa bishii ina dhaaftay baadi goob ku tegay dalka Turkiga oo uu uga sii guddbay degaan islaamiyiin ka taliyaan oo ay gabdhisiisa Raxma iyo Ugbaad lagu heysto.
Gabadha yar ee Ugbaad ayaa dhaawac uu ka soo gaaray lugta ayay jebhadu diiday in ay sii daayaan.
Aabaha labada Gabdhood ayaa sheegay in jebhada ay xabsiga dhigtay isla markaana ay jir dil u geysatay kolkuu dalbaday in uu hablihiisa Norway kula noqdo.
Jaamac Sadiiq ayaa qorsheynaya in uu dhawaan dib ugu noqdo degaanka lagu heysto labadiisa gabdhood dhawaan si uu mar kale isugu dayo in uu jebhada heysta uga soo sii daayo.
Gabdhahan Soomaaliyeed ee reer Norway ee nabada Yurub uga tegay colaadaha dalka Syria ayaa ka mid ah boqolaal dhalinyaro ah oo Yurub ka tegayay bilihii u danbeeyay si ay ugu biiraan dagaalada Syria.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com