|

Aabe Somaliyeed Oo Si Hufan Uga SHeekeeyey Wiil uu Dhalay Oo Kooxda Daacish Ku Biiray

Minneapolis:Sep,16,2014(SDN/QJ)-Mid kamid ah Waalidiinta soomaalida ah eek u dhaqan Dalka Maraykanka, ayaa ka sheekeeyey wiil uu dhalay oo ku Biiray Kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

deecAabaha somaliga ah oo haatan ku dhaqan Minneapolis, laguna magacaabo Maxamed, ayaa tilmaamay in wiilkiisii oo da’diisu ahayd 19-sano jir uu ku biiray Kooxda Dagaalkeeda adduunku ka tashanayo.

Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamuud ayaa ku noolaa magaalada Hamilton ee dalka Canada, halkaasoo uu tagay isagoo afar sano jir ah, waxaana uu ka mid noqday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku biiray Kooxda ISIS.

“Wiilkeyga muddo hada laga joogo labo bilood ayuu halkan ka tagay Minneapolis, wuxuu xilliyada fasaxa nooga iman jiray Canada, aniga iyo isaga islama deganeyn, laakiin wiil fiican oo dabeecad leh ayuu ahaa, wuxuu bil ka hor naga soo wacay meel ka mid ah Suuriya, wuxuu noo sheegay inuu la joogo dad walaalihiisa”ayuu yidhi Aabaha dhalay wiilka Soomaaliyeed ee ku biiray kooxda Daacish oo wareysi siiyay VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in afsoomaaliga xataa aanu garaneyn, maadaama isagoo afar sano jir ah laga keenay Soomaaliya, waxaa uu xusay inuu ahaa wiil inta badan Computer-ka aad u isticmaala, taasoo uu tilmaamay inay aheyd meesha lafa duufsaday oo maskaxda looga xaday.

Kooxda IS ayaa bilihii u dambeeyay qabsatay dhul ballaadhan oo ku yaal Ciraaq iyo Suuriya, waxana ay taasi keentay in dunidu wax badan iska weydiiso awoodda aan joogsiga lahayn ee kooxdan.

Mar wax laga weydiiyay in arrintan uu la socodsiiyay Hey’adaha ammaanka ayuu sheegay inuu hey’adaha amniga uu ku wargeliyay, isla markaana wiilka mar uu fariin qoraaleed uga soo diray dalka Turkiga, ka hor inta aanu u gudbin dalka Suuriya.

Waxaa uu sheegay in Hooyadiis oo la hadashay markii uu ka soo wacay Suuriya ay ka dalbatay inuu soo laabto, maadaama uu ahaa wiilka ugu weyn ee ogaan lahaa, balse uu ka diiday, una sheegay in wiilal kale ay heysato.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ka tagay Mareykanka, Canada iyo dalal badan oo Yurub ah ayaa ku biiray dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaana qaarkood ka soo jeedaan qoysas caan ahaa oo siyaasada Soomaalida ku jira.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed