Madaxweyne Siilaanyo oo xamili waayey culayska Golaha wada-tashiga iyo toosinta Afkiisana ugu jawaabay
Hargeysa 21-july-2013 (SDN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa markii ugu Horraysay ka hadlay Golaha ay xukuumadiisu sida fiinta uga qaylisay ee Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka ee dhawaan siyaasiyiinta mujaahidiinta ahi kaga dhawaaqeen magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Boggiisa Gaarka ah ee uu ku leeyahay Dhinaca Twitter-ka qoraal kooban oo uu ku qoray ku sheegay in Golahaasi yahay mid aan sharciga waafagsanayn oo ka dhan ah Dastuurka Dalka.
Qoraalka Kooban ee Madaxweynuhu uu soo dhigay Boggiisa Twitterka, ayaa u dhignaa sidan, “Somaliland Dhidibadeeda ayey Aasatay, Golaha kaliya ee Shacabku doorteenna waa Golaha Wakiilada, sidaa daraadeed Golaha cusub ee iskood isku cumaamaday waa Gole sharciga Baalmarsan oo aanu Dastuurkeenu Ogolayn.”
Qoraalkan kooban ee uu madaxweynuhu soo dhigay Boggiisa Twitterka, ayaa u muuqda mid uu ku muujinayo dareenka saska leh ee uu ka qabo Golahan koobsaday siyaasiyiinta miisaanka iyo milgaha ku dhex leh Guud ahaanba shacabka reer Somaliland oo horeba xukuumaddiisu Geed dheer iyo mid gaaban-ba ugu fuushay inay inay waxba kama jiraan ka dhigto iyo adeegsanaysa Madax-dhaqameed iyo dad maan-gaab ah oo aan aragti fog lahayn.
Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne Siilaanyo si Rasmi ah wax uga yidhaahdo Golahan, waxana ay Arrintani ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii Guddida Diiwaangelinta Ururada siyaasadda iyo xisbiyada Qaranku ay warsaxaafadeed ay soo saareen xisbiga Ucid ku wargeliyeen inay Guddoomiye Faysal oo Golahan ka mid ah maamuus ka xayuubin ku sameeyaan.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo) Hargeysa Office.