Maxay ka Dhigan yihiin Weedhaha Guddida Diiwaangelinta Ururada modadoodii ay dhamaatay iyo Madax-dhaqameed Shalay Xabsiga laga siidaayay
Hargeysa July 21,2013(SDN)-Hadalo shalay ka soo yeeray Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo Madax-dhaqameedyo reer Hargeysa ah ayaa muujinaya Qorsheyaasha xaalad abuurka ee ka dhanka ah Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee ay wadaan Xukuumada Axmed Siilaanyo.
Xukuumada ayaa kolkii ay ku hungoowdey in ay isticmaasho Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxa haatan ay bilowdey in ay isticmaasho Guddida Diiwaangelinta ee Xiligeedu dhacay iyo Madax dhaqameedyo shalay uun xabsiga u jiifay xaqdaro.
Xukuumada ayaa qorshehhada dhabta ahi waxa uu yahay in marka hore la kala reebo xisbiga UCID iyo Gollaha wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Hadaba waxa la dejiyay qorshe la doonayo in koox uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen ku dhawaaqaan in xilkii Guddoomiyenimo laga qaaday Eng Faysal Cali Waraabe ka dibna ay xukuumadu xabsiga u dhaadhiciso.
Madaxtooyada Somaliland ayaa in muda ahba waday ururinta Rayiga beesha Guddoomiyaha UCID ee ku wejahan Qorshahan.
Waana sababta keentay in Madax dhaqameedka la abaabulo si bulshada ay ugu diyaariyaan damaca xukuumada Axmed Siilaanyo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com