DAAWO Ciidamada ku Soo Biiray Somaliland iyo Khudbadihii Mas’uuliyiinta
Fiqi Fuliyo July 21.2013(SDN) Weftigii uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji xasan ee ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa degmada Fiqi Fuliyo ku qaabilay ciidan dhan lix boqol oo askari iyo gaadiidkoodii dagaalka, kuwaasoo dhowaan ka soo galay kooxaha nabad diidka ah.
Xubnaha weftiga waxaa ka Mid ahaa wasiirka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed daahir (Cukuse), wasiirka Kheyraadka Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah, wasiirul dawlaha nabadaynta ee Gobolada Bari Md Cali Maxamed Axmed (Cali Sandulle) iyo taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa si weyn ugu soo dhoweeyey degmadaasi Fiqi Fuliye ee Gobolka Sanaag Ciidamadaasi ka soo galay kooxaha nabad diidka oo tiradoodu dhan tahay Lix Boqol oo askari oo wata sadex iyo Toban gaadhi oo Tikniko ah .
Fiqi Fuliye Gobolka Sanag SDN.
Qurbejoog.com