|

Ciidan Lix Boqol oo Askari iyo Gaadiidka Dagaalka oo isu soo dhiibay Xukuumada Somaliland

Ceerigaabo 20.July (SDN) Weftigii uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji xasan ee ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa maanta degmada Fiqi Fuliyo ku qaabilay ciidan dhan lix boqol oo askari iyo gaadiidkoodii dagaalka, kuwaasoo dhowaan ka soo galay kooxaha nabad diidka ah.

xubnaha weftiga oo ay ka mid yahiin wasiirka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed daahir (Cukuse), wasiirka Kheyraadka Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah, wasiirul dawlaha nabadaynta ee Gobolada Bari Md Cali Maxamed Axmed (Cali Sandulle) iyo taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa si weyn ugu soo dhoweeyey degmadaasi Fiqi Fuliye ee Gobolka Sanaag Ciidamadaasi ka soo galay kooxaha nabad diidka oo tiradoodu dhan tahay Lix Boqol oo askari oo wata sadex iyo Toban gaadhi oo Tikniko ah .

Hadal uu halkaa ka jeediyey Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Sanaag  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka deegaankiisu ka mid noqdaan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Md cali sandulle wasiirul-Dawlaha nabadaynta Gobolada Bari oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ciidankani diyaar u yihiin ka mid noqoshada ciidanka Qaranka kana qayb qaadan doonaan arimaha nabadgelyada iyo adkaynta amniga qaranka Somaliland.

Wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada, kheyraadka biyaha  iyo warfaafinta ee Somaliland Md Xirsi cali xaaji xasan, cabdilaahi Maxamed Daahir (Culkuse) iyo Xuseen Axmed Cabdallah  oo iyaguna ugu dambayntii halkaa ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii kale ee suurageliyey in ciidamadani ku qancaan nabadgelyada isla markaana u diyargaroobaan inay ka qayb qaataan dhismaha dalkooda.

Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa si rasmi ah ul wareegay diiwaankii ciidankaasi, kuwaasoo ay hadda ka dib u bilaaban doonto diiwaangelintoodii ka mid noqoshada ciidamada qaranka ee shaqada ku jira.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed