|

Xaalufinta Deeganka hadaan degdeg wax looga qaban , wuxu dhulku isu bedeli doona lama degaan sidaad imika aragtaanba : Adan Jama Kahin, UK

Somaliland dhaqaalaheeda  waxa lafdhabar u ah Xoolaha.  Marka maanta meelihi ay xoolihii  daaqayeen waxa ka muuqda darxumo iyo dhirto la jaro.  Si aynu u  fahano waxa khaldamay bal ayu dib uga jaleecno dhulku xornimada ka dib  sidii uu ahaan jiray.  Markii ay Somaliland xornimada qaadatay  waxay ka dhaxashay dawlada Ingriiska Seereeyin waawayn oo ah dhul kaymo  ah kuwaaso ay gacanta ku haysay Hay’d loo yaqaan (Forestry) ama Hay’da  daaqa qaranka.  Waxa hay’ada u shaqayn jiray askar gaar ah oo  loo yaqaan (ilaalo) kuwaaso kaymaha loo xidhay daaqa iyo khilaafka dadka  reer miyiga ah ka shaqayn jiray.

Waqtiga lama ogolayn xoolo dhex mara magaaloyinka iyo Seerahaba.   Neefkii lagu qabto isago dhex soconaya magaalada ama Seerahaba waxa  loo jari jiray ganaax lacageed.  Kaaso u siinaya masuuliyad in  ay dadka xoolaha lihi aanay meelaha xoolahooda keeni Karin.

Ujeedada siyaasada lagu ilaalinaayo deeganka ka danbaysay waxay ahayd.   In dhirta iyo kaymaha la kobciyo oo la ilaaliyo.  Taasina waxay  keenaysa in dhulka abaartu ka yaraato dhirtaa badanina ay ilaaliso ciida  iyo macdanta dhulka, roobabkuna ay si joogta ah u daa’aan. Waqtiga  xitaa waxaad ku arkaysay magaalada Hargeysa, Burco ama Ceergaabo oo  geeda badani magaalada ku dhex yaalan.

Hadaba sua’sha meesha taala waxa weeye maxa dhulkii sidaa ahaa u  baabiyay, taa waxan ku soo gaabinaya dhawr qodob :

 

  1. Maamul   xumo ka timi dawladihi u kala danbeeyay Somaliland oo aan wax la taaban karo ka qaban Daaqa iyo deegaankaba.  Xita   Xukuumadan imika jirta oo wax badan qabatay arrimaha bulshada, kobcinta   dhaqaalaha,  isla markaana u magacawday Wasaarad gaara ilaalinta   Deegaanka.  Hadana iyada lafteedu wax muuqda kama qaban arrimaha   , aan ka ahayn waxay ugu yeedheen waci gelin, dadka oo laga baryaayo   inay iska daayaan goynta deegaanka iyo Polise intay dibada u baxan mar   dad geeda gubaaya soo qabqabta oo keliy, Balse dibtu inta wuu ka balaadhanyahay.

 

  1.    Waxa kaloo iyana jirta Hay’d looyaqaan ka horta masiibada dabiiciga taasoo uu ugu sareeyo.    Nin Masuul aqoon yahan sare kuna qaatay deegananka shahaaadada loo yaqaan   (PHD) Masulkaaso madax u ah Hay’d qaabilsan deeganka oo fadhigeedu Hargeysa yahay, wuxu in badan ka   hadlaa markasta oo la waraysto dhibaatada jirta nasiib daro se masoo   bandhigo sidii hawsha loo bilaabi laha iyo Strategiyadeedaba, wax ficil   ah uu arrinta ka muujiyaana ma jirto.

 

 

  1. Wasaarada   Ilaalinta Deegaanka siduu sheegay wasiirkeedi hore oo ah wasaarada ugu   dakhlig yar wasaaradaha kale isla markaana ah meesha dhaqaala badankoodu   ka yimado iyado ah meeshii xoolaha la iibiya daaqa ka heleliyeene oo   gaabis ah.

 

  1. Dhibaatadii   Qaatka oo iyana ku faaftay dhinacigii miyiga.  Taasina waxay keentay   in reer miyigii inta loo geeyo Qaatka dawlada deriska ah laga keeno,   dabadeedna ay reer miyigii intay jaraan dhirtii ay marka ku iibsadan   Qaatka.  Taasina waa masiibo hor leh.

 

  1. Magaaloyinkii   iyo tuulooyinkii oo batay, tiradii dadka magaalada oo korodhay.    Waxaasoo dhami waxay isticmaalan dhuxul laga soo jaray geedaha maalin   walba.

 

 

  1. Dadkii   uu dhul iib ku waashay , taaso aad arkaysid in ay meel wal oo dan guud   ahba dad gaara ooteen iyagoo leh anaka leh.

Si, kastaba ha ahaatee waxa halkan ka muuqda in aanay dawladu ila  imika gelin dadaal dheeraada hadal mooyane sidii wax looga qaban laha  deegaanka.  Haddii dhakhso wax looga qaban waayaayana dhulku wuxu  isu bedeli doono nabad guur, saxra ah. Taasi markay dhacdo markaana  xooluhu meel ay daaqaanba heli maayan xoola aad dhoofisana hadalkoodba  daa.

Hadaba waxan ku telin laha sida soo socota, si aafadan deeganka wax  looga qabto.  Taaso waxay u horseedi doonta in xoolaha, deegankaba  badbaadan, abaartuna yaraato iyo dhaqaalaha kobcaba.

  1. Waa   inay dawladu degdeg arrinta uga yeelato siyaasad cusub oo wax lagaga   qabanaayo.  Isla markaana la kordhiyo miisaniyada ay ku hawgelayso   Wasaarada deeganka.
  2. Waa   in ay dawladu ka soo saarta wareegto degdeg taaso u suura gelinaysa   in ay dadku isticmaalan Gaaska , kaaso imika magaaloyinka yaala.    Lana ogaaday in uu kaba jaban, nadiifsanayahay Dhuxusha la isticmaalo.
  3. In   dadka lagu waci geliyo inay isticmalan Gaaska iskana dhaafan isticmaalka   dhuxusha iyo waliba qiimaha uu leeyahay ilaalinta deeganka.
  4. Waa   in ay dawladu soo celisa (Forestry) oo ah askarta iyo maamulka ilaalinta   kaymaha iyo deeganka.  Isla markaana lo xidho meela waawayn oo   loo yaqaan Seero iyo meelaha kale oo ah National Park lagu ilaaliyo   duur joogta kuwaaso ay askartaasi ka hawgalan.
  5. In   sharci degdeg ah laga soo saaro oo la xidho dadka caadaystay inay dhirta   jaraan ama gubaan.
  6. In   ay  Wasaarada Deegaanku ku amarto gobolada iyo magaalooyinka oo   dhan inay dhir fara badan ku abuuraan meelaha ay joogaanba.  Abaal   marina lasiiyo inta kor u qaada.
  7. Waxaaso   dhami waxay soo noolaynayan bilicdii dalka iyo magaaloyinka, oo markaad   imika aragto dibada magaalada aanad ku arkaynba geedaba.

 

Gunti iyo gabagabadii waxa la soo gaadhay  waqti lagu fekeri laha  sidii deeganka sii dabar go’ay wax looga qaban laha, inasta oo dhawaan  Wasiirad Arrimaha deegaanka ku fiican loo magacaabay wa Shukri Haji  Bandare , aanan uga hadli doona arrinta qaybta danbe.  Waxanan  odhan laha Dawladan imika jirta oo baahiya dadka wax badan ka qabatay  intii ay talada haysay, hadana waxa lagama maarman ah inay hoos u eegta  deeganku sii dabar go’aya. Waxana looga fadhiya inay soo bandhigaan  siyaasad cusub oo arrinta wax uga qabanayan.

 

Qalinkii

Adan Jama Kahin

Milton keynes, UK

Comments are closed