Musharaxa Madaxweynaha UCID iyo ku-xigeenkiisa oo ay cadaatay sababta ay dalka ugu soo noqdeen Mudo dheer ka dib
Hargeysa July 19,2013(SDN)-Musharaxa Xilka Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa ayaa mudo dheer oo ay dalka ka maqnaayeen dabadeed ayaa ay dhawaan dalka dib ugu soo noqdeen.
Musharaxa madaxweyne ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa waxa mudaba ay iyaga oo dalka dibediisa ku noolaa wadeen qorsheyaal aan ujjeedadiisa la fahmin oo ay ka dhex wadeen xisbiga UCID.
Musharaxa iyo ku-xigeenkiisa ayaa mudaba si isdaba joog ah waday soo saarida qoraalo ay ku naqdinayaan guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Iminkana waaba ay cadeeyeen mawqifkooda ku wejahan Guddoomiyha oo goaamada uu gaaro ay ku soo koobeen qeer isaga u gaar ah.
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID ayaa mudaba la hadal hayay in xukuumada Axmed Siilaanyo dooneyso in ay xil u magaacwdo.
Iminkana waxa dalka dib uu ugu soo noqday si xukuumada uu gacan uga siiyo sidii loo kala reebi lahaa xisbiga UCID,guddoomiyahiisa iyo Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaanta looga dhawaaqay Hargeysa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com