Xukuumada Somaliland oo halkii ay uga Jawaabi laheyd Soomaliyada Sheegtay in ay midnimo qaateen oo ku mashquushay Gollaha Wada Tashiga Somaliland
Hargeysa July 19,2013(SDN)-Gollaha Wasiirada Somaliland oo aan wax kulamo ah yeelan wax kulamo ah mudoo aad u dheer haatan ayaa markii u horeysay shalay kulmay.
Gollaha Wasiirada Somaliland ayaa kulankoodii u horeeyay mudo dheer oo ku soo beegmay xili qodobo adagu horyaalaan Jamhuuriyada waxa ay ku mashquuleen sidii ay uga hortagi lahaayeen Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland.
Xukuumada Soomaaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalo dhawr ahaa oo maalmihii u danbeeyay ka soo yeerayay Xukuumada Soomaaliya oo tilmaamayay in Somaliland qaadatay Midnimo ay dib ula wadaagaan Soomaaliya.
Golaha xukuumada Somaliland ee kulmay shalay ayaa sheegay in Gollaha wadatashiga Somaliland aanu aheyn mid loo dulqaadan doono.
Caga jugleyntan ayaa lidi ku ah nidaamka kala danbeynta dawladeed ee dastuurka ku dhisan ee qaba in muwaadiniintu hab nebedgelyo ah isu abaabulin karaan.
Si kastaba ha ahaatee golahan Wada Tashiga Somaliland ee Sagaalka cisho jiray ayaa guushii u horeysay ee uu gaaro kolka laga yimaado in shacabku ku diirsadeen ayaa waxa ay noqotay in uu dib u soo celiyay kulamadii xukuumada Somaliland.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com