|

Mucaaridka Jabuuti oo doonaya in Xukuumada ay ku kala baxaan Dimuqraadiyad”waa ta Somaliland ay isticmaasho ee ay ku kala baxdo

Jabuuti July 17,2013(SDN)-Mucaaridka Jabuuti ayaa sheegay in xukuumada Jabuuti ay ku kala baxaan Dimuqraadiyad sida dalka ay jaarka yihiin ee Somaliland.

Sidaa waxa Iddaacada VOA u sheegay Guddoomiyaha Dalada Mucaaaridka Md Ismaciil Geedi Xareed oo ay iddacaadu ka wareysatay wadahadalada mucaaidka iyo xukuumada Jabuuti u socda.

“ awal hore Dimuquraadiyadda waa loo dhhoofi jiray, imika meel dheer agama jirto waa tan Lawyacado ayay taalaa, waa ta Somaliland ay isticmaasho ee ay ku kala baxdo, waxaanu jecelahay in aanu aayo uga tagno Ubadakayaga oo aanu heshiis ka gaadhno khilaafaadka siyaasiga ah” ayuu yidhi Ismaaciil Geedi Xareed.

Mucaaradka Jabuuti ayuu sheegay Guddoomiyuhu in ay marka hore dalbanayaan in la sii daayo dhamaan dadka ay xukuumada Jabuuti xabsiyada ugu gurtay siyaasada awgeed.

Ismaciil Geedi Xareed waxa kale oo uu ka waramay in ay intaa ka dib doonayaan in xukuumada ay ku kala baxaan Dimuqraadiyada.

 

SDN-Jabuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed