|

Mandela oo beri kala qayb qaadanaya Shacabkiisa dabaal dega sannad guurada 95 aad ee dhalashadiisa

Johannesburg 17.July (SDN) Madaxweynihii hore ee wadanka Konfur Africa Nelson Mandela ayaa la sheegay inuu si weyn uga soo Kabanayo Xanuun uu in Mudo ahba Dhakhtar u yaalay,Suuro galna ay tahay inuu ka qayb galo Xuska sanad Guurada 95aad ee dhalashadiisa oo ku began Khamiista beri.

Madaxweynihii ka horeeyay kan haatan talada dalkaasi haya Thabo Mbeki ayaa sheegay inuu filayo in Mandela laga soo saaro Cisbitaalka uu yaalay shanta Todobaad,iyadoo lagula tacaalayay Xanuun kaga dhacay cunaha.

Wiil uu awoow u yahay Mandela oo lagu magacaabo Ndaba Mandela ayaa sheegay in awoowgii xaaladiisa caafimaad ay aad u soo wanaagsanaatay isla markaana ay ku rajo weyn yihiin inuu kala qayb qaato dabaal dega 95 Guurada ka soo wareegtay dhalashadiisa .

Halyaygan qaarada Africa u dhashay kana dhiidhiyay Midab kala soocii ka jiray koonfur Africa ahaana horseedihii xornimada dalkaasi ayaa todobaadyo ka hor ay Xukuumada koonfur Africa si dhiilo leh uga hadashay xaaladiisa caafimaad inkastoo haatan la sheegayo inuu aad uga soo raynayo.

Magaalooyinka Konfur Africa ayaa waxaa ka socda dabaal degyo lagu weynaynayo 95 guurada dhalashada Mandela oo ku began beri khamiista waxaana barbar socota barnaamijyo lagu taakulaynayo goobaha waxbarashada,oo uu odaygani aad u danayn jiray.

Mr Mandela ayaa wakhtigii uu Xoriyada dalkiisa u Ololaynayay waxa uu mudo 27 sanno ah ku qaatay xabsi ku yaala Konfur Africa.

Wadamo badan oo ka mid ah Caalamka ayaa iyana qayb ka qaadanaya maalinta Mandela day ee beri loo dabaal degayo.

Johannesburg SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed