|

Maxey tahay Sirta ugu Culus ee Gaarka looga Hayo Madaxtooyada Somaliland?

Hargeysa July 17,2013(SDN)-Madaxtooyada Somaliland khaasatan xubnaha sida tooska ah iyo sida dadbanba uga hawlgala ayaa ugu yaraan labadii sano ee ugu danbeeyay waxa wakhtigooda ugu badan ku qaata sidii ay daaha ugu rogi lahaayeen xog hadii ay cadceeda argto ay dhici kareyso in xilka uu tiriyo madaxweynaha Somaliland.

Xogtaan oo gaar ka heynteeda mararka qaar ay beesha madaxweynuhu ka qeyb qaadato ayaa salka ku heysa in madaxweyne Axmed Siilaanyo xaaladiisa caafimaad.

Madaxweynaha Somaliland oo nin da’a ah ayaa xaaladiisa caafimaad isbedel weyni ku dhacay labadii sano ee u danbeeyay.

Dadka qaar aad ugu dhaw madaxtooyada ayaa madaxweynaha sheega in intii ka danbeysay doorashadiisii aanu ku sugneyn xaalad Caafimaad oo u saamexeysa in uu dalka Hogaamiyo.

Kolka laga yimaado xogaha arinkan ku saabsan ee muujinaya in madaxweyne Amed Siilaanyo ku sugan yahay xaalad caafimaad oo aan u saamexeyn in uu dalka Hogaamiyo ayaa waxa aad kolkii u horeysay Somaliland ka dheehan kareysaa sida qarinta xogta caafimaad ee madaxweynaha ay awood dheeri ah u siisay xubno xaalada ka faaiideysanaya.

Waxaad arkeysaa in ashqaas kooban oo qaar dawlada ka tirsan yihiin qaarna dibedda ka yihiin ay sidan ugu badineyso.

Waxaad arkeysaa sida ay u maalayaan sirtan siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah ehelka Madaxweynaha oo aduun iyo mansab aaney si kale ku heleen haatan ugu tamashleynayaan.

Kooxahan ka ceeshaya xaalada Caafimaad ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ku heshiiyay in mudada madaxweynaha xilka loo igmaday ay dalka taladiisa qeybsadaan.

Waxaaney istuseen in hadii xaalada Caafimaad ee madaxweynuhu dibedda u soo baxdo in ay saaxada siyaasada dibeda ka ahaan doonaan.

Isbaaheysiga ilaalada Xogta Caafimaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ay isugu jiraan mid beeleysan iyo Siyaasadeysan.

Ta beesha,waxaad moodaa in mucaarid iyo muxaafidba la isla qaatay in madaxweynuhu in uu dhameysto mudada xilka loo doortay ay ku jirto danta reerka.

Waxa jira qorsheyaal lagu doonayo in lagu hirgeliyo mudadaa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka hayo.

Qorsheyaashaa oo u muuqda in la dardar geliyay intii ay sida weyn isu bedelay Caafimaadka Madaxweynaha.

Waxa la istusay in aaney suurto gal aheyn in madaxweynuhu dib isugu taago doorasho,hadii ay dhacdo in uu dib isu soo sharaxana ay suurto gal tahay in aan la dooran.

Dhanka kalena waxa sirta caafimaad ee madaxweynaha fursad u arkay siyaasiyiin hab laaluush ah uga faiideystay arinkan.

Siyaasiyiintan ayaa hanti iyo mansab siyaasadeedba ka helay ka mid noqoshada kooxda ilaalada sirta xaalada caafimaad ee Madaxeynaha.

Si kastaba ha ahaatee waxa sirtan dibedda u saaray habdhaqanka kooxda ilaalada iyo madaxweynaha qudhiisa.

waxase dhiman uun in cid ka mida kooxda ilaalada sirta madaxweynaha oo mujtamica u soo bandhiga xaalada caafimaad ee dhabta ah ee madxweyne Axmed Siilaanyo.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed