|

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo Xogwaran siiyay Gudida Joogtada ah ee Wakiilada kana Hadlay Golaha Cusub ee Hargaysa lagaga dhawaaqay

Hargaysa 16.July (SDN) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta Xogwaran siiyay Gudi hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Wakiilada .

Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida uga warbixiyay Wada hadaladii dhawaan ku dhex maray Somaliland iyo Somalia wadanka Turkiga waxaanu xusay in Somaliland ay guul balaadhan uga soo hoyatay wada hadaladaasi isla markaana ay badka soo dhigeen arrimo badan oo taabanaya qaranimada Somaliland isagoo intaas ku daray in wada hadaladu ay yihiin kuwo sii soconaya oo aan dhamaan.

“ waxaa shirkii ka dhacay Turkiga horaantii bishan ee ay ku wada hadleen labada dal ee Somaliland iyo Somaliya kasoo baxay Qodob aad u muhiim ah kaas oo ahaa in hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamuli doono gudaha Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaana loosoo magacaabi doonaa guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac guddidaas oo maamuli doonta wixii kasoo baxa ama dakhliya ee Hawada labada dal helaan” waxaa kale oo gudoomiyuhu iftiimiyey in aanay jirin waxyaabo badan oo dadku isla dhex marayeen isbuucii ugu danbeeyey kuwaas oo dhaliilay najiidadii kasoo baxday shirkii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalkaasi Turkiga isaga oo arimahaas ka hadlaayana wuxuu yidhi “ dad badan ayaa dhaliilay wada hadaladaas hase yeeshee meesha wax kale kama soo bixin waxaan ahayn laba dawladood oo si siman u wada hadlay kuwaas oo leh laba madaxweyne, laba wasiir arimo gudeed iyo laba Wasiir arimo dabedeed taasina waxay muujinaysaa aqoonsi aan dhamays tirnayn, waxaan kale oo golaha baarlamaanka u sheegayaa inaan ku soconey oo weftiga ay kamid ahaayeen laba xubnood oo baarlamaanka ah isga iyo Guddoomiyaha Gudi hoosaada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaan idin leeyahay Xukuumada aan ku taageerno garabna is taagno maadaama aynu u ogolaanay inay wada hadal la gasho Somaliya, waxaa ay Qolada Soomaaliya rumaysan kari la yihiin rabitaanka shacabka waxanay u haystaan in madaxdu ka beensheegeyso shacabka oo shacabku uu aaminsanyahay Soomaali weyn taasina waata ay u leeyihiin aan halkan nimaadno oo isu socono” .

waxaa kale oo mudane Baashe uu soo hadal qaaday Gole cusub oo dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada hargeysa kaas oo loo bixiyey Golaha Toosinta iyo Wada tashiga kaas oo ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan Somaliland waxaanuu yidhi” Waxaa soo kordhay Gole kale oo layidhaahdo Golaha Toosinta Golahan oo lagu tilmaamay Golaha Qaran, waxaan leeyahay hadii aan la ilaalin Dastuurka iyo sharciga la dhawrin waxaa dhacaya wax kale, sadex Xisbi Qaran oo sharciya ayaa wadanka ka jira waa inay ku kala biiraan, waxaanu guddidan usoo jeedinaynaa wixii ay dhibaato qabaan way sheegan karaan iyaga oo shakhsi shakhsi ah laakiin aan ahayn Gole, waxaan leeyahay hadii la yidhaahdo Golayaasha Qaranku ma jiraan dee cid ka faa’iideysaa ma jirto, Ninkii yidhaahda Gole ma jiro u dulqaadan mayno Sharciga ayaan la tiigsanaynaa, Waxaanan Xukuumada usoo jeedinaynaa in Sharciga la fuliyo”.

Ugu danbayn wuxuu mudane Baashe uu dardaaran siiyey saaxafada madaxa banaan iyo ta Dawladaba waxanuu u soo jeediyey inay ka waantoobaan title ka qaldan ee ay siinayaan dadka sida Golaha Madaxa Banaan Guddoomiyaha Xaqsoor, waxaa uu sheegay inaanay waxaasi wax jira ahayn sharcigana ka hor imanayso waxaa kale oo sheegay inaan saxafada loo ogolaan dadka ka hadlaaya arimaha Beelaha iyo Qabiilada maadaama waxaasi Somaliland ka gudubtey oo marayso nidaam isdoorasho oo dimuqraadi ah, waxaa uu sheegay in sharci kasoo saari doonaan ka gole ahaan kaas oo xakamaynaaya arimahan.

Waxaa kale oo madashaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada JSL Md. Cali Yuusuf waxa uuna gudoomiyuhu isna iftiimiyey aragtidiisa shirkii ka dhacay wadankaasi Turkiga ee ay kuwada hadleen labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya waxaana hadaladiisii kamid ahaa” Wuxuu shirkani ku dhowadey in lagu kala koco sidaa awgeed waxaa lasoo go’aamiyey Qodobkan hawada ku saabsan kaas oo aan u arko inuu faa’iido inoo leeyahay”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed