|

Agaasimaha Cusub ee Komiishanka Xakamaynta Cudurka AIDSKA oo Maanta Xilkii la Wareegay

Hargaysa 16.July (SDN) Agaasimaha Cusub ee Gudiga   Heer qaran ee Aidska  Md. Cabdi Cali Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Xoghayihii guud ee hore ee Gudiga  heer Qaran ee AIDska .

Kulanka xilwareejintan oo lagu qabtay xarunata  komishanka AIDSKAe Heer Qaran ee magaalad a Hargaysa  ayaa waxa ka soo qaybgalay xildhibaano ka tirsan  Golaha Wakiilada, saraakil ka tirsan Haya’daha ay wada shaqaynat a leeyihiinkomishanaka , shaqalaha komishanka Aidska iyo marti sharafkale , hadal uu halkaas ka jeediyay xoghayihii hore  ee komishanka aidska md. Mmaxamed Daahir Khayre ayaa ka warbixiyay mudadii uu xilka hayay waxyaabihii u qabsoomay iyo heerka uu marayo maanta xanuunka HIV-AIDS, Waxaana uu mahad celin u jeediyay shaqaalihii mudadaaas lasoo shaqeeyay isaga oo u jeediyay in xoghayaha guud ee cusubna ay ula shaqeeyaan si hufan.

Xoghayaha Guud  komishanaka Aidska ee heer qaran mudane  Cabdi Cali Jaamac oo gabagabadii kulankaas xilwareejinta  ah ka hadlay ayaa sheegayin xanuunka Aidsku yahay  dhibaato  kamid ah dhibaatooyinka soo wajaha bani aadamka oo u baahan in xalkaeeda si wada jir ah looga wada shaqeeyo , waxaana uu tilmaamay in  arintaasi u baahantahay in jidh ahaan maskax ahaan iyo bulsho ahaanba loo dabiibo  dadka xanuunka HIV- Aidsku   la nool , isla markaana loo hawlgalo inta fayow sidii looga wacyi galin lahaa waxyeelada caafimaad ee xanuunkan.

Xoghayaha guud  ee komishanka aidska ee heer qaran waxa  uu un jeediyay bulshada in ay komishanka ku garab galaansidii uu u xaqiijin lahaa ujeedooyinkii loo aasaasay  bulshadan adeegiisa u wada gaadhsiin lahaa.

Waxa iyana kulankaas ka hadlaay Yuusuf Maxamed Nuur Garuuje iyo Sahra Aadan Guuleed oo ka tirsaan  Gudiga heer qaran ee xaniuunka Aidska xildhibaan  Aadan x. diiriye oo ka tirsan Golaha wakiilada  sarkal ka tirsan haya’da unicef iyo masuuliyiin kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed