Maareeyaha Cusub ee Hay’ada Dhawrista Tayada oo Xilkii kala Wareegay Mas’uulkii ka horeeyay
Hargaysa 16.July (SDN) Mareeyaha Cusub ee Hay’ada Dhawrista Tayada Cali Maxamed Cabdulle (Biikalo) ayaa Si rasmi aha Maanta Xilkii uga lawareegay Guddomiyihii hore ee hay’ada Dhawrista Tayada Siciid Saleeban, Munaasibada Xilwareejinta ah ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiirudawalaha Waxbarshada, Maareyaha WFP, Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Masuuliyiin kale iyo shaqalaha Hay’adaasi.
Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Hay’adaasi ayaa waxa hadalo halkaasi ka jeediyey Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sheegay in uu wax badan uu qabtay Masuulka Xilka wareejinayaa isaga oo Mareeyaha Xilka la wareegaya Illahay uga barayey in uu xilka ku Asturo.
Guddomiye Ku-xigeenka Hay’ada Dhawrista Tayada Maxamud Ibraahin Axmed oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa Waxa uu ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Xafiiska Dhawrista tayadu, isaga oo xusay in wax badan u qabsoomay, waxanu tilmaamay in ay joojiyeen Raashin badan oo dhacay oo dalka la soo galiyey,
Waxanu yidhi “Runtii dalka waxanu u haynaa Hawl aad u weyn oo waxanu qabanay raashin badan oo dhacay, waxanu tagnay aniga iyo Guddomiyaha Xilka wareejinaya Dekeda Berbera, waxanu ku aragnay alaabooyin dhacay oo aan u bahnayn in lagu eego mishiinkii, dadkeena ayaa ku odhanayaan waar kii ina hebel ayaa la soo dagayo waxa kale uma danbeeyane dee iska daaya, lakiin ma ogaa in bulsho dhan ay waxaasi dhibaataynayso, lakiin anaga intii awoodayada ah waanu la dagaalana oo waanu joojina, runtii waxad ogtihiin wixii naga qabsaday baabuur ay lahayad WFP oo sidday raashin dhacay oo aanu weynay meel anu dhigno waayo malihin hoolal aanu ku gurno intaa la kala saarayo.”Ayuu yidhi.
Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo isaguna halkaasi ka hadlay waxanu sheegay in ay hay’adani ay nolosha badh ka tahay.Waxanu yidhi “Hay’adani waa Hay’ad aad u balaadhan, waana Hay’ad Nafteena ka mid ah, wixii cunaheena maray ee ama Cunayno ama Cabayno ee xun in ay inaga ilaaliso ayey tahay, waxa kale oo aan u hambalayeynayaa Masuulka cusub ee loo magaacay Xilka Cusub iyo Masuulka wareejinayaba.”Ayuu yidhi.
Guddomiyihii Xilka Wareejinayey Siciid Saleeban oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hay’adani u taagan tahay badbaadinta Nafaha Dadweynaha, Xoolaha iyo waliba beeraha,waxa kale oo uu xusay in ay awood u leeyihiin kantaroolida dhamman Badeecadah dalka soo galaya.
Waxa kale oo uu sheegay in ay xafiisyo ku leeyihiin dalka oo dhan, isaga oo xusay in xeerarka hay’ada ay u gudbiyeen Golaha wasiirada.
Waxanu yidhi “Rashiinkan waxa dalka keentay hay’ada Mucaawimooyinka ugu weyn Addunka ee WFP, runtii WFP in badan ayaan qariyey lakiin haddii aan maanta shaqada ka tagayo in aan ka hadlo WFP ayaa jecelaystay, wixii ugu horeyey aanu dalka ku qabano waxa uu ahaa rashiin ay keentay WFP oo ahaa Sonkor, raashinkaasi Markab dhan ayuu ahaa oo ay saarnayeen 4,000 Kiish, runtii sonkortaasi waxanu u diranay Laborter waxanu xaqiijiyey in aan Dad Bini’aadam ah la siin Karin, WFP waxanu u sheegnay in aanu gubayno raashinka, lakiin waxay yidhadeen ma gubaysaan ee waanu la noqonaynaa, lakiin waxanu ku nidhi sharcigu waxa uu dhigaya in aan wax xun aan dalka la keeni Karin ma wax xun aan dalka laga celin Karin, waxa kale oo aan iskugu yeedhay dhamman wasiirada caafimadka, ganacsiga iyo qorshaynta si ay goob joog u ahaadan, waxay warqad ka soo qateen jabuuti oo ay yidhadeen waanu ku gubaynaa, lakiin markii ay jabuuti tageen ayaa hadan la diiday, hadan waxay naga codsadeen in ay dib u sooc eliyaan raashinkaasi, waxa la keenay hargeysa oo lagu gubay waxayna nagu yidhadeen warbaahinta hanoo keenin, anaguna waxanu ku nidhi warbaahintii waxba ha khashifina ee iska dayaa hadan waxay dalka keenen 7,00 oo kiish oo dhacay oo dhawaan ayaanu gubnay, xataa waxay noo diideen in aanu xarumaha raashinka ku rogaan anu tagno marka waxan leeyahay maamulka cusub hay’adaha Ajanabiga ah ee Mucaawimooyinka keena aad haloola shaqeeyo,.”
Maareeyaha Cusub ee Hay’ada dhawrista Tayada Cali Maxmaed (Biikalo) oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay shaqada qaranka u hayaan ay si fiican u gudandoonan, waxanu xusay in hawlaha baaxada leh ay qabteen in ay hawlo kale ay qaban doonaan, isaga oo xusay in shaqada qaranka lo ohayo ay ku wanaagsan tahay in si wada jir loo wada shaqeeyo, si qaranki horumar u gaadho.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com