Hayada Horn Center for Criminal Justice Advancement Oo Sharci Daro Ku Tilmaantay Golaha Siyaasiga Ah Ee Hargeysa Lagaga Dhawaaqay
Washington 16.July (SDN) War saxaafadeed uu ku saxiixan yahay Madaxa Hayada Horn Center for Criminal Justice Advancement ee fadhigeedu yahay dalka maraykanka Mr. Maxamed-Nasir M Dhoore kana faaloota talona ka bixisa arimaha garsoorka iyo cadaalada ayaa gebi ahaanba ku tilmaamay golaha siyaasiga ah ee Hargeysa lagaga dhawaaqay mid baal marsan sharciga iyo qawaaniinta Somaliland. Hadaba Warsaxaafadeedkaa oo dhamaystirani waa kan hoos ku qoran.
Ugu horeyn waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummada Muslimiinta waxaanaan ugu hambalyaynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan. Ujeedada qoraalkan kooban ee aan ugu talo galay saxaafada ayaan rabaa in aan ku iftiimiyo sharcinimada golahan cusub ee siyaasiga ah ee Hargeysa lagaga dhawaaqay. Ugu horayn dastuurka Somaliland wuxuu baneeyay in ay muwaadiniintu shir qabsan karaan ururona samaysan karaan. Hase yeeshee waxa fiican in aynu si fiican dastuurka u qeexno waxa uu ogolyahay iyo waxa aanu ogolayn. Muwaadiniintu way shiri karan, ururona way samaysan karaan laakiin waxa muhiim ah in la ogaado waxa ay ururadaasi yihiin. Wuxaadinku waxa uu xaq u leeyahay in uu samaysto ururo dhaqan, kuwo gargaar, kuwo aqoomeed, iyo kuwo ganacsi. Waxa ay furan karaan ururo siyaasadeed marka la fasaxo oo kali ah si ay ugu soo gudbaan heer xisbi sidii dalka hore uga dhacday oo ay ugu danbaysay doorashadii goleyaasha deegaanku. Waxa qarankani u wakiisheen siyaasada Sadex xisbi qaran, xukuumadda iyo goleyaasha sharci dajinta. Waxa muwaadiniinta u furan in ay samaystaan ururo ganacsi oo ka talo bixiya siyaasadaha lana taliya xukuumadaha, shirkadaha iyo wixii la mid ah oo ka shaqeeya caalamka meel kasta oo loo yaqaano “Consulting Firms” ama “Lobby Group” loona baahan yahay in ay samaystaan liisan cashuurtana bixiya. Hadaba, Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement oo ku samaysay Xog ururis faro badan tan iyo intii lagu dhawaaqay golahan cusub ayaa waxa u cadaatay in falkaasi uu yahay mid ka baxsan nidaamka isla markaana caqabad ku noqon kara hanaanka dawladnimo. Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement waxay soo jeedinaysaa in;
In Golahaasi si deg deg ah looga noqdo maadaama oo ay tahay talo maroorsi aan sharciga dalka meelna kaga jirin, maadaama oo aanay meelna ka soo gelin golayaasha iyo asxaabta uu sharcigu baneeyay.
In laga digtoonaado falalka noocan oo kale ah ee caqabad ku noqon kara hanaanka dawladnimo, horseedi karana kala danbayn la’aan, iyo amni daro.
In Sharciga wadanka u yaala gaar ahaan dastuurka wadanka la dhawro laguna dhaqmo.
In hadii ay ka tahay dhab talada lagu dhawaaqay ay ku biiraan sadexda xisbi qaran ee jira, hadii ay shirkad ganacsi wadaana ay dadka u iftiimiyaan una soo qaataan liisan, cashuurta celiyaan, sidaana talada looga iibsado sida ay sameeyaan goleyaal badan oo aduunka ka dhisani.
In la ilaaliyo wada jirka iyo qananimada dalka wadankana aan laga abuurin khal-khal siyaasadeed.
In wixii talo, tusaalayn iyo dhaliilba laysu mariyo dariiqo waafaqsan sharciga lana tix galiyo maamuuska nidaamka dawladnimo.
in dhaliishu ay noqoto mid wax tar ah isla markaana baraarujisa hadba maamulka jooga “constructive criticism” oo aanay noqon mid wax dumisa “destructive criticism” maadaama oo dawladu ay ku timi si dimuqraadi ah.
In laga fiirsado hadalada laysu marinayo warbaahinta ee uu cadawga Somaliland ka faa’idaysanayo shakina ku beeri kara saaxibada ay leedahay Somaliland.
In la dhawro codka shacabka Somaliland maadaama oo ay doorteen Asxaabta Jirta, Xukuumada Jirta, iyo Goleyaasha Jira.
Ugu danbayntii waxaan xasuusinayaa dhamaan in xilka iyo mansabka Madaxweynenimo ay tahay meeshii ugu saraysay ee metelaysay Somaliland oo dhan mudana in la qadariyo, la sharfo, la karaameeyo lagana ilaaliyo aflagaado, cay, ceebayn iyo been abuur.
Allaa Mahad Leh
Maxamed-Nasir M Dhoore- BA Law, MS-Criminal Justice
Executive Director
Horn Center for Criminal Justice Advancement
Washington, USA.
Washington SDN.
Qurbejoog.com