Halkan Ka DHAGAYSO Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Go’aanka uu Xayirada kaga qaaday Duulimaadyadii Qaramada Midoobay
Hargaysa 16.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu kaga dhawaaqay in hawada Somaliland loo fasaxay diyaaradaha Qaramada Midoobay, halka sidoo kalena uu kaga hadlay arimo ay ka mid yahiin maamulida hawada Somaliland iyo Somalia.
Wasiirka Duulista hawada ee Somaliland waxa uu xusay in maamulka hawooyinkaasi ay si ku meel gaadh ah qaramada midoobay gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 1993-kii, xarunta laga maamulayeyna ay ahayd Magaalada Nairobi, dhamaan dawladihii kala dambeeyey ee laga dhisay dalka aynu jaarka nahay ee Somalia-na ay ku guuldaraysteen inay la soo wareegaan maamulidda hawada.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XXASHII(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com