|

Dalada Sonyo oo Kulan u Samaysay Xubno dhalinyaro ah oo ku soo biiray Saaxada Siyaasada

Hargaysa 16.July (SDN) Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa Munaasibad Dhiirigalin iyo Soo Dhawayn iskugu Jirta U Qabatay xubnihii dhalinyarada ahaa ee uu dhawaan madaxwaynaha JSL Xilalka U Magacaabay

Munaasibada habeenkii xalay ka Dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeisa oo ay Ka soo Qayb galeen wasiirada wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ,ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah  gudoonka sare ee Dhalinyarada  Sonyo Agaasimayaasha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Caafimadka kaluumaysiga iyo Hawlaha Guud ayaa Soo Dhawayn iyo Dhiirigalin loogu sameeyay dhalinyaradii madaxwaynaha Jsl Uu Dhawaan u Magacaabay Xilalka

Ugu horeyn waxa goobtaasi ka hadlay  Gudoomiyaha Dhalinyarada Heer Qaran Ee Sonyo Md Mubaarig Ismaaciil Taani isagoo dhalinyarada ku dardaarmay inay xilalka loo igmaday uga soo baxaan si  Wanaagsan Dhanka kalena waxa uu tilmaamay inay Tani Tahay Tijaabo la Tijaabinayo dhalinyarada Somaliland hadii ay xilkaa Loo Dhiibay ka soo baxaan iyo hadii kale.

Geesta kalena waxa halkaa ka hadlay  Maayirka caasimada Hargeisa Md Cabdiraxmaan maxmauud Caydiid isagoo ku dheraday  in xilalka dhalinyarada loo dhiibay ay tahay in loo baahanyahay  inay dhalinyaradu xilalka si wanagsan uga soo baxaan  waxanu tilmaamay inay dalada dhalinyarada sonyo barnaamijkeeda qayb ka mid ahi yahay  inay dhalinyarada dadaal dheeraad ah la dhinac istaagto.

Isaguna waxa Goobtaasi Ka Hadlay Agaasimaha kaluumaysiga Maxmaed Ilka Case isagoo dhalinyarada loo magacaabay xarumaha ay dhabar adaygaan iyagoo tagi doona xafiisyo ay ka shaqaynayaan dad waligood ka shaqaynayay oo u baahan in lo dajiyo

Agaasimayaasha Caafimadka iyo Arimaha Dibada oo ah Dhalinyarada dhawaan madaxwaynaha JSL u soo magacaabay ayaa iyaguna  uga mahad naqay dalada dhalinyarada Sonyo oo Dadaal Dheer u soo Gashay Inay Dhalinyarada Somaliland ku guulaystaan xilalkaa manta loo magcaabay

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo Maalgashiga Calamiga md Maxmaed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland md Cali Siciid Raygal oo kulankaasi hadalo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday  inay la garabtaagan yahiin  dhalinyarada waxkasta oo ay qabanayaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed