|

‘Waxan Leeyahay Ka Noqda Go’aankaas Dareenka Shacabka Kiciyay Qaranka Somaliland Waqtigan Uma Baahna Wax Khal Khal Geliya” Boqor Buur Madoow Oo Ka Hadlay Golaha Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

Ceerigaabo 16.July (SDN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa ka hadlay golaha loogu magac-daray golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo uu sheegay inuu yahay gole shaki geliyay shacabka isla markaana aan loo baahnayn in somaliland maanta khal khal iyo shaki la kala keliyo

Boqor Buur-Madow waxa uu sidaasi ku sheegay xili uu ka hadlayay munaasibad maanta loogu mahad celinayay doorka uu kasoo hoyay gacan ku dhiig lihii dhowaan dilka ku gaystay gudaha magaalada ceerigaabo oo uu boqorku gacanta dawlada soo geliyay

Boqor Cismaan Buurmadow oo ayaa ka mahad celiyay sida labadii ardaa ee dilku ku kala dhacay ay u ilaaliyeen amaanka mudadii ay ku guda jireen madax dhaqameedku ka shaqaynta arintaasi sidoo kalena waxa uu boqorku xukumadda somaliland ku amaanay sida ay madaxdhaqameedka gacanta ugu siiso ka hawl gelista arimaha dhinaca nabad gelyada

Boqor Buurmadow ayaa dhanka kalena baaq nabadeed udiray maamul goboleedka puntland iyo dadka walaalaha ah ee isku haya magaalada kismaayo oo uu  faray inay wada tasiga iyo wada xaajoodka kaga daydaan somaliland si ay xal uga gaadhaan wax kasta oo dhexdooda yaala

Ugu dambayntiina waxa uu Boqorku carabka ku dhuftay Golaha loogu macadaray Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka ee sharciga baalmarsan oo uu sheegay inaan dalka iyo dadkuba u baahnayn in khal khal lagu abuuro islmarkaana loo bahan yahay nimankaasi inay ka waantooban go’aanka furashada golaha sharciga baalmarsan

Waxanu Yidhi ”Maalmahan buuq baa ka jiray hargeysa rag saaxibada ah oo aanu weliba aad iyo aad isugu dhowayn oo ay xukumadda xurgufi naga wada dhexayn jirtay. markaa saaxiibaday waxan qabaan waa rag miisaan dalka ku leh waa rag dalka badidoodu usoo halgamay dalkana inay dhib ugeystaan marnaba ka fili maayo inay waanjiyaan mooyaane oo arinta Xasan Ciise Iyo Ibraahin Dhega Wayne Iyo Ina Xaashi hogaaminayaana inay khayr iyo wanaag ku dhamaanyso ayaan rajaynayaa waxan iyagana kula talin lahaa saaxibadayo mucaradadeeni qaboobeyd iyo toosin teeni an wadno oo golahani shaki buu keenay ee inaad fikirkiina ka laabataan oo ka noqotaan baan idiinku baaqi lahaa Somaliland maanta uma baahna wax khal khal iyo shaki kala geliya aad iyo aad banan idiinku soo jeedin lahaa inaad fikirkaa ka noqotaan.”

 

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo caan ku ah inuu kasoo dhalaalo guulana kasoo hooyo arimaha dhinaca nabad gelyada ee uu dhexda u xidho ayaa balan qaaday inuu gacan ka geysan doono fardaaminta dilalkii ka dhacay degaanada Hurufadhi, Gawsa Wayne Ceeriyaan Iyo Caynaba.

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed