Qurbejooga Reer Somaliland oo bilaabay xiriiro ay ku abaabulayaan Taageero Maaliyadeed iyo mid Siyaasadeed oo ay Siiyaan Gollaha Wada Tashiga
London July 15,2013(SDN)-Qurbejooga reer Somaliland ee ku kala nool qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga America ayaa bilaabay xiriiro dhanka Isgaarsiinta ah oo lagu abaabulayo taageero mug leh oo loo fidiyo Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Qurbejooga ayaa ilaa iyo haatan ku guddo jira isku dubarida Guddi arinkan abaabula oo isu keena isbedel doonka Somaliland.
Qorshaha Qurbejooga reer Somaliland ayaa ah in Taageero Siyaasadeed iyo mid Dhaqaalaba loo muujiyo Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland.
Guddidan oo ka kooban taageereyaasha labada xisbi mucaarid ee dalka iyo qaar ka mida Ururadii codadkoodii lagu shubtay ee Somaliland.
Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa ku hawlan sidii ay shir turxaan bixin ah oo dib u eegid lagu sameynayo haykalka dawladeed ee Somaliland.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com