|

Madaxweyne Faroole oo ka hadlay Sababta ay u Joojiyeen doorashooyinkii Punt Land {DHAGAYSO}

Garowe 14 July (SDN) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo saaray go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici lahaa Puntland berri Isniin July 15, 2013.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FAROOLEDOOR.mp3″]
Hadalka Madaxweynaha oo dhan halkan ka Dhagayso

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed