Labaatan Sanduuq oo kuwa doorashada Punt land oo lagu Gubay Deegaanka Gobolka Buuhoodle
Buuhoodle 14.July (SDN) Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle ayaa maanta dab qabadsiiyay isla markaana Gubay Labaatan Sanduuq oo ka Mid ah Sanaaduuqdii Doorashooyinka ee Maamul Goboleedka Punt land kuwaas oo lagu waday Deegaanka Gobolka Buuhoodle.
Sanaaduuqdan ayaa lagu Gubay Tuulada Buuryo qab oo ilaa 150 Km u jirta Magaalada Buuuhoodle iyadoo dadkii waday sanaaduuqdani ay u baxsadeen dhinaca Magaalada Gaalcayo oo ay ka soo kicitimeen .
Maxamed Yuusuf Maxamud oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Buuhoodle oo nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in bulshada deegaanku aanay Ogolayn doorashada uu maamul goboleedkaasi ka wado deegaankaas oo ah Somaliland waxaanu xusay inay maalmihii u danbeeyay ay sameeyeen Mudaharaadyo ay ku Muujinayaan inaanay Raali ka ahayn faro galinta uu Maamul Goboleedka Punt land ka wado Gudaha Somaliland
Wararka naga soo gaadhay deegaankaasi ayaa sheegaya in bulshada ku dhaqan Jiidaha Gobolka Buuhoodle ay dareen isku mid ah ka Muujiyeen Damaca Punt land ee Ku wajahan inay doorasho deegaan ka qabato Meelo ka mid ah Dhulka Somaliland.
Sadex Todobaad ka hor ayaa Ciidamada Qaranka ee Jiida Gobolka Badhan ay gacanta ku dhigeen Sanaaduuq kuwa doorashada ah oo Maamul Goboleedka Punt land ku soo waday deegaanka Gobolka Badhan.
Buuhoodle SDN.
Qurbejoog.com