|

BEESHA AXMED SHEIKH ISXAAQ (TOLJECLE),WAXA AY SOO DHAWAYNAYSAA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA,TAAGEERA BUUXDANA LA GARAB TAAGAN TAHAY

Dhamaan Qurbjooga,Dhalinyarada,Aqoonyahanka,Odayaasha,Salaadiinta,Cuqaasha beesha Axmed Sheikh Isxaaq (Toljecle);waxa ay go’aansadeen ka dib wada tashi dheer in la garab istaago golaha wada tashiga iyo badbaadinta qaranka,ka dib marka ay eegeen arrimahan hoos ku qoran:

 

  1. Taladii dalka oo qacanta u gashay koox dano gaar ah leh,taladiina ay qacantiisa ka baxday madaxwayne siillanyo,dalkana aanu ka talin.
  2. Hantidii qaranka oo loo boobayo si aan abid intii ay Somaliland jirtay loo boobin.Dantii guud guri,wado,garoon,ceel,jago banana, dhamaan markii la boobay. Bangigii dhexe wixii yaalay ka dib markii ay la bexeen Xirsi iyo Samaale guryahoogana ay ka samaysteen khasnado.
  3. Xidhiidhkii Somaliland ay la lahayd bulshada caalamka ka dib markii albaabada loo laabay sida xidhiidhkii ingiriikska,Ethiopia,djabouti,maraykan iyo dhamaan yurub iyo afrika oo dhan,lagana door biday xidhiidhka xirsi iyo kooxaha islaamiyiinta Somalia ka dhexeeya.
  4. Qanacsigii dalka oo kooto loogu xidhay shirkado ay Xirsi iyo Samaale ay Saami ku leeyihiin,intii kalena afka dhulka loo galiyay.
  5. Iyadoo la qorshaynayo in kooxdan xagjirka ahi ay qasab kula wareegto hogaanka xisbiga kulmiye. Xisibigan oo ahaa kii ay beeshu ku abtirsanaysay,balse la rabo in duhur cad la dhaco oo afka looga galiyo  dadka xagjirka ah sida Xirsi iyo Samaale.
  6. Iyadoo beeshu ku qanacday in aan xagjir dal maamuli Karin sida Masar ka dhacday oo kale,taasi oo kalena aanay Somaliland qaadi Karin,ayna kaba sii khatar badan tahay xagjirkan Somaliland ee raba doorasho laaan in ay dalka kula wareegaan;beeshu waxa ay leedahay been baad isku sheegteen.
  7. Kad dib markii xoriyatul qawlkii lagu tuntay;xaalada la gaadhsiiyay car juugdhe.
  8. Ka dib markii bulshadii nabada samaysatay loo samaystay ciidan jin oo la yidhaa RRU, oo cid ay yihiin aan la garanaynin,waxa markhaati cad u ah beeshayadaa dhan ee ka tirsan sideeda reer sheikh isxaaq,qof qudha kuma lihin.
  9. Ka dib markii aanu ogaanay in dawladan lafteedu gaar ahaan rag ay xirsi jifo hoose isku yihiin ay dhalinyaradayadii ka tahriibiyeen magaalooyinka Hargeisa iyo Wajaale,waxa aanu yaqiinsanay in dawladii aanu dhisanay ay koox jin kala wareegtay xilkii aanu u dooranay.
  10. Ka dib markii jeebka lagu shubtay hantidii lagu kobcin lahaa dhaqaalaha ee ka dib shaqo abuur loogu samayn lahaa dayarta Somaliland. Marka aanu ogaanay in aanay Xirsi iyo Samaale aanay dusha ka aqoon inta guri ee ay Hargeisa si xaaraan ah ooga dhisteen amba ooga iibsadeen,ayaanu beel ahaan goaansanay in aanu garabistaagno.
  11. Waxa aanu uugu baaqanaa beelaha kale ee Somaliland gaar ahaan beesha reer Sheikh Isaxaaq ee aanu uugu waynahay in ay garab istaagaan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

Abdi Faarah

Helsinki Finland.

Comments are closed