Guddoomiyaha Kulmiye oo si Dadban u taageeray Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka
Hargeysa July 14,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay TVga Qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay wadahadli doonaan Siyaasiyiintii dhawaanta ku bahobah Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Guddoomiyaha ayaa hadaadiisii waxa ka mid ahaa:“Horta inay wax dhaliilaan, toosiyaan ama arrimaha siyaasadda ka hadlaan waa waajibaad ay iska leeyihiin xisbiyada mucaaradka oo ay hawshooda tahay. Raggan maalinta dhawayd hadlay waa odayaashii waaweynaa ee dalka u soo halgamay, tallo way soo jeedin karaan, tilmaana way bixin karaan, arrimaha dalkana way ka hadli karaan, laakiin waxa habboonayd in la isu yimaado oo sidii isku arki jiray xafiis ama meel kale oo intaa ay ka sheegeen warbaahinta toos u sheegaan, haddii laga dhegaysan waayo ama waxa ay sheegeen wax laga sixi waayo markaasay xaq u lahaayeen dhawaaqa dheer.
Annagu waxaannu qabnaa KULMIYE intii uu joogay barmaamujkii uu dalka u ballanqaaday in badan ayuu kafeeyey oo shacabku u markhaati yihiin. Raggaasi, aniga iyo Madaxweynuhu afartankii sanno ee u dambeeyey dad nolosha sidaa isugu marnaa ayaanu ahayn, halgan soo wada galay, si walba isu garanaya.
Waxay ila tahay odayaashaa taladooda waa la qaadan, waa la isu iman oo waa la is toosin si wadajir ahna waxbaa loo qaban, weliba waa la tixgelin doonaa, laakiin annagu xataa haddii khaldameen warbaahinta ku dhaleecayn mayno, iyagana waxaannu kula talinaynaa ma nihin raggii ku wadahadli lahaa saxaafadda ee waxaynu nahay raggii dalka wax u wada qaban lahaa, waxa la inaga filayaa dadku waxaannu ka nixin, waayo ummaddu markay aragto odayaashayadaa waawayn oo is tuurtuurayna waa naxdin iyo niyad-jab oo waxba hagaagimaayaan, markaa waxaan leeyahay waxa fiican innagoo sida toosan u wadahadalna.
Mudaharaad waxa la abaabulaa marka la ismari waayo ee talladu car iyo car gaadho, laakiin raggani waa dad aannu wadatashan karno oo haddii ay iyagu imanwaayaan annaga ayaa u tagayna oo odhanayna maxaa dhacay, maxaad tabanaysaan, sidaynu wax u dhamaysanaa?” ayuu Muuse Biixi Hadalkiisii ku soo gunnaanaday.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com