|

Dacwad-oogaha guud ee Masar oo soosaaray go’aan sii hurin kara qalalaasaha ka dhashay afgambiga Milaterigu kula kaceen Madaxweyne Morsi, wiiqaya qorshaha nabada (WARBIXIN)

Qaahira 13, July 2013 (SDN)- Xafiiska dacwad-oogaha guud ee Masar ayaa sheegaya inuu baadhayo cabashooyin ka dhan ah Madaxweynaha xilka laga tuuray Maxamed Morsi iyo xubno ka tirsan xisbigiisa IKhwaanu-Muslimiin.

Dacwaddahan waxa ku jira; basaasid, buunbuuninta dilka mudaharaadeyaal, weerarka fadhiisimo Milateri iyo dhaawaca dhaqaalaha dalkaas, siday baahisay qaybta dunida la hadasha ee BBC-du.

Hase yeeshee, xafiiska dacwad-oogaha guud kama hadal cida gudbisay cabashooyinka.

Mr. Morsi waxay ciidamadu afgambiyeen 3-dii bishan July. Dawladda Maraykanku waxay maanta ku baaqday in laga sii daayo xabsiga aan goobtiisa la aqoonin ee lagu hayo Madaxweynaha xilka laga tuuray, Mohamed Morsi.

Mr Morsi's supporters have been staging protests demanding his return to officeMadaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee Masar, Mr Cadli Mansuur, wuxuu balanqaaday in horaanta sannadka soo socda 2014 la qabto doorashooyin cusub.

Todobaadyadii la soo dhaafay, daraasiin dad ah ayaa ku dhintay isku-dhacyada intii lagu gudo jiray dibad-baxyo waawayn oo ay dhigayeen taageerayaasha Madaxweyne Mursi iyo dibad-baxayaasha ka horjeeda.

WIIQANKA DIB-U-HESHIISIINTA:

Xafiiska dacwad-oogaha guud wuxuu sheegay inuu baadhayo cabashooyinka, si loogu diyaariyo gal-dacwadeedka, looguna qaado eedaysaneyaasha, kuwaasoo ay ku jiraan magacyada; Mr. Morsi, hoggaamiyaha xisbiga IKhwaanka, Mohamed Baadiye iyo saraakiil sare oo ka tirsan garabkiisa siyaasadeed, xisbiga Xoriyadda iyo Caddaalada (FJP) oo uu ku jiro ku-xigeenka Agaasimaha, Essam El-Eiran.

Mr Badie iyo hoggaamiyeyaasha kaleba durba waxa loo jaray waaranada qabashadooda, eedaymo la xidhiidha inay kiciyeen rabshadii goob dibadda ka ah fadhiisin milateri oo ku taala caasimadda Qaahira, taasoo Isniintii lasoo dhaafay lagu dilay inka badan 50 qof.

Xisbiga Ikhwaanku waxay sheegayaan in xubnahooda rasaas lagu furay intii ay ku jiraan dibad-bax nabadgelyo, laakiin ciidanku waxay sheegayaan in askartu jawaabeen [rasaasta fureen] markii la weeraray.

Taageerayaasha Mr Morsi, tiro badan oo ka mida xubnaha dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta Ikhwaanu-Muslimiin ee uu ka soo baxay, waxay u taagnaayeen dibad-baxyo waawayn oo ka socda Qaahira tan iyo farogelintii Milateriga July, 3, 2013, waxayna dalbanayaan in Mr. Mursi dib loogu soo celiyo Madaxweynenimadiisii, iyo in milaterigu ay ka laabtaan afgambigiisa.

Hase yeeshee, ciidanku waxay sheegayaan in farogelintooda xukunka ay kaga tuureen Mr Morsi ay jawaab u ahayd mudaharaadyada malaayiin Masaari ah, kuwaasoo ku eedeeyay inuu xoojiyay awood-korodhsigiisa, kuna guuldaraystay inuu waajaho wax-ka-qabashada culaysyada dhaqaale.

Laakiin, weriyaha BBC-da ee Qaahira James Reynolds, wuxuu sheegayaa in talaabada xafiiska dacwad-oogaha guud ay u muuqato mid wiiqday aragtida jidka dib-u-heshiisiinta ee u dhexaysa masuuliyiinta kumeel-gaadhka ah iyo xisbiga Ikhwaanka ee Masar.

Jimcihii, wasiirka Khaarajiga Jarmalka ayaa ku booriyay masuuliyiintu inay soo-afjaraan xayiraadaha la saaray Madaxweyne Morsi iyo inay u ogolaadaan ururada Caalamiga ahi, sida Bisha Cas ay u furnaadaan xidhiidhkiisa.

“Waanu aqbalaynaa,” ayuu yidhi afhayeenka waaxda Khaarajiga Maraykanka Jen Psaki oo la waydiiyay in dawladdiisu aqbalayso in la sii daayo.

Sabtida maanta, 13, July 2013, xisbiga Morsi wuxuu sheegay in qaddiyadu tahay ‘ilaalinta xaqa sharciyeed ee dadku ay u mareen doorasho toos ah oo cod-bixineed.”

Afhayeenka Ikhwaanu Muslimiin Gehad el-Haddad, wuxuu sheegayaa in mudaharaadyadu sii kordhayaa, ayna dibadda joogi doonaan “Ilaa Madaxweynaha la sii daynayo, dibna loogu soo celinayo [xukun.”

DIIDMADA KALA-GUUR:

Mr Morsi, oo ah hoggaamiyihii u horeeyay ee Masar ee si dimoqraadi ah oo xor ah loo doorto, ahna Madaxweynihii koowaad ee Islamist ah, waxa uu tan iyo July 3-deedii ku xidhnaa goob aan la garanaynin. Ciidanku waxay hakiyeen ku dhaqanka Distoorkii Masar.

July, 8, 2013, Madaxweynaha kumeel-gaadhka ah Mr. Mansour wuxuu seeska u dhigay dhabaha distoor iyo doorashooyin cusub, kaasoo uu ku jiro:

1-In 15 maalmood gudahood lagu sameeyo guddi, si ay u bedesho distoorka

2-Doorashooyin Baarlamaan oo la qabto horaan 2014

3-Doorashooyin Madaxweynenimo oo la qabto marka baarlamaanka la sameeyo.

Laakiin, taageerayaasha Mr Morsi waxay diideen qorshaha iyo dhawr xisbi ama kooxo siyaasadeed oo ka horyimi Mr Morsi, oo uu ku jiro isbahaysiga ugu wayn ee la yidhaahdo National Salvation Front (NSF), oo ay sheegeen in aanay la tashanaynin.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed