|

Wasiirka Dibu dejinta oo ka waramay raashin ay Jimciyada Sooyaal ka Sugaysay Wasaaradiisa

Hargaysa 13.July (SDN) Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta ee JSL Md Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta warbaahinta Dawladda uga waramay Raashin ay jimciyadda Sooyaal ka sugaysay wasaaradiisa.

Wasiirku waxa uu sheegay in labada dhinac ay isla arkeen raashinkaasi isla markaana maalmahanba ay wasaaraddu ku hawlanayd tirinta iyo hubinta raashinkaasi, marka sharciga la mariyo-na la gaadhsiin doono Jimciyadda Sooyaal.

Dhanka kalena Agaasimaha waaxda samafalka ee wasaaradda dib u dejinta Md Siciid Cabdi gaboobe oo isna ka hadlay raashinkaasi ayaa caddeeyey in wasaaradiisu qorshe iyo barnaamij cad oo ku saabsan qaybintiisa ay u dejisay raashinkaas.

Hargaysa SDN

Qurbejoog,com

 

Comments are closed