Qodobada looga doodi Doono Shirka Wada Tashiga Somaliland
Hargeysa July 13,2013(SDN)-Gollaha Watashiga iyo Toosinta Somaliland ee dhawaanta looga dhawaaqay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu qorsheynayaa shir wada tashi ah oo lagu eegayo qaar ka mida qodobada wax ka qabashada u baahan ee dhinacyada Siyaasada,Dhaqaalaha iyo Siyaasada.
Hadaba qaar ka mida Qodobada lagu wado in Gollaha Wada Tashigu doonayo in diirada la saaro ayaanu qaar ka mid ah helay,waxaana ka mid ah:
Caqabadaha Siyaasadeed:
Dib u uuegidda Dastuurka Qaranka
1)Dastuurka dalka oo ahaa mid ahaa in marxalado markaa jiray looga guddbo ayaa u baahan in dib u eegid lagu sameeyo.
2) in talooyin laga soo saaro nidaamka Cadaalada,habka doorashooyinka ama xulida gollaha Guurtida iyo cida ka mid noqoneysa gollaha Guurtida iyo hawlaha iyo masuuliyadaha Aqlaka Guurtida.
3) Qiimeynta iyo Talo soo jeedimo ku wejahan Aqalka Wakiilada,ka mid noqoshada gollahani waa in uu qiimo yeeshaa.
4) In Kuraas looga qoondeeyo beelaha laga tirada badan yahay iyo Haweenka reer Somaliland dhamaan golleyaasha Qaran.
5)-Qiimeynta awood qeybsiga Beelaha reer Somaliland.
6) Qiimeynta waxqabadka dawlada haatan jirta mudadii sadeda sano aheyd ee ay xilka heysay.
Wada hadalada Siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia:
Maxaa loo Baahan yahay?
Qorshe Qaran oo cad isla markaana Suurtogala
Guddi heer Qaran ah oo loo Dhan yahay oo ka masuul Noqda Wadahadalada Soomaaliya.
In Bulshada loo Abaabulo sidii ay u taageeri lahaayeen Qadiyada.
In Bulshada ku nool degaanada Bariga iyo Galbeedka dalka la maareeyo cabashooyinkooda saami ee soo jireenka ah.
La Macaamilka Beesha Caalamka:
In Qorshe Siyaasadeedkeena Arrimaha Dibedda dib u eegid lagu sameeyo oo lagu jaangooyo xaqaaiqa ka jira Soomaaliya,Geska Africa iyo Gobolkaba.
In wax ka bedel lagu sameeyo habka iyo hanaanka aanu ula macaamilo Beesha Caalamka.
Dhibaatooyinka Bulshadeeda iyo kuwa Dhaqaale:
Shaqo la’aanta cirka isku shareertay ee soo wejahday ubedkeena
Dhibatooyinka Qaadka iyo sida uu u saameeyay Dekhliga,Bulshada iyo Caafimaadka.
Aafada Qaran ee Tahriibta Dhalinyaradeena iyo dadka ka shaqeysta.
Kolka la eego Qodobada dusha ku xusan Xisbiga Qaran ee UCID waxa uu soo jeedinayaa in la qabto Shir Qaran oo Wada tashi ah oo ay yeeshaan Bulsho weynta reer Somaliland si la isula eego marxaladaha dalka hor yaala.ayaa lagu yiri qoraalkan aanu helay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com