|

Xiddiggii Reer Masar Mohamed Aboutrika oo Ku Biirey Banabaxyaasha Akhwaanu Muslimiin.By Jaahuur.

Masar-Qaahira-July-12-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Saaxiibayaal qodobadeena faaqidaadda ciyaaraha waxaynu ula ambabaxaynaa xagaa iyo carigaa Masar.

Xiddigga reer Masar una safta naadiga faca weyn ee Al Ahly ahna kabtanka xulka qaranka ee Masar Maxamed Aboutrika ayaa ku biiray banaabaxyada looga soo horjeedo dawladda lana safety akhwana muslimiinta ku hawlan in loo soo daayo Mursi xukunkiisiina dib loogu celyo.

Haddaba Jaahuur ahaan anoona jecleyn inaan faragashado siyaasadda ayaa hadana waxaa ii yar riixay laacibkan Aboutrika ee ku biirey banabaxayaasha Akhwaan muslimiinta ee ka soo horjeeda dawladda cusub ee hadda la magaacabey.

Haddii aad tahay laacib,fanaan,ama aad tahayba shakhsi can ah ma quruxbadna inaad siyaasad faraha la gasho,waayo waxaa laga yaabaa inaad weydo taageerayaal badan oo ku raacsanaa,waxaan shaki ku jirin Aboutrika bacdamaa uu arintan dhexgaley iney daaqadda ka baxayaan dadweyne badan oo jeclaa ciyaartiisa  taageerana u ahaa.

Asxaabtay 34-jirkan  Maxamed Aboutrika wuxuu ku dhashey Giza,Egypt,7-November 1978 laacibkan oo ka ciyaara khadka dhexe iyo weerarkaba ayaa sanadihii 2006,2008 iyo 2o12 loo magacaabey ciyaaryahanka qaaradda Afrika,wuxuuna xulkiisa qaranku ku guuleystey koobka qaaradda Afrika Cup of Nation 2006-kii goolka ay ku badiyeena isagaa ku caawiyey.

W/Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@Hotmail.com

Comments are closed