JABHAD CUSUB ‘ NEW CALANCUS”
Waxa lagu dhawaqay JABHAD loogu tallo galay in khal-khal lagu geliyo xasiloonida dalka. Shacbiga Somaliland waxuu u codeeyay distoor qeexaaya nidaamka dawladeed iyo habka mucaaridnimo ee lagu dhaqmaayo.
Distoorku waa axdi qaran oo lagu hesheeyay, waxaanu ogolyahay 3 XISBI MUCAARID , iyo LABA GOLE sharci-dejineed oo xakameeya Xukuumadda. Waxii intaa dhaafsani waa xaaraan iyo xad- gudub.
Sharciga waa loo siman yahay, qofna kama sareeyo. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inaanay qofna ku ixtiraamin waa “ HEBEL ” shacbigana waxa lagu baraarujinyayaa inay ka fiirsadaan ajandayaasha qarsoon ee JABHADDA CUSUB.
Wa bilaahi towfeeq.
ALI IBRAHIM ‘ BAQDAADI” –TORONTO.