Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wareegtooyinkiisa Saqda Dhexe maxaa u sabab ah
Hargeysa July 12,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa intii uu xilka madaxweynenimo qabtay waxa caado u ah in uu wareegtooyinka soo saaro xili umaddu seexatay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir jaraaidada qaar qabta saqda dhexe.
Saxaafada Somaliland ayaa caqabad weyn ku qabta xiliyada uu madaxweynaha Somaliland dalbado.
Sidoo kale waxa caqabad ah shaacinta wararka madaxtooyada ee la soo gaarsiiyo xili aaney suurto gal aheyn in la baahiyo.
Habdhaqankan madaxweynaha ee ku wejahan xiriirka saxaafada ayaa loo aaeynayaa khibrad la’aanta ku xeeraneyaasha madaxweynaha.
Waxa ay dadka qaarna arinka u saaraan xaalad caafimaad oo aan madaxweynaha u saamixin in uu seexdo saacado badan.
Si kastaba ha ahaatee waxa xaqiiqo ah in aan hore loo arag qoraalada warbaahineed ee ka soo baxa madaxtooyada oo la shaaciyo saq dhexe.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com