|

Madaxweynaha Somaliland oo isku-bedel, xil-ka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Maareeyeyaasha hay’addaha madaxabanaan qaarkood

Hargeysa July, 11 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa shaqadooyinkii ay hayeen ka fadhiisiyay ilaa shan masuul oo ka tirsanaa Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Maareeyeyaasha hay’addaha madaxabanaan ee dawladda qaarkood.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, Madaxweynuhu waxa uu isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimeyaasha guud, iyadoo uu kuwo cusubna magacaabay, kuwo kalena xilalka ay hayeen ka bedelay.

Warsaxaafadeedka magacaabista, xil-ka-qaadista iyo isku-bedelka ee Madaxweyne Siilaanyo soosaaray, waxa uu u dhignaa sidan;“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1890/072013 waxa uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Agaasimeyeesha guud ee Wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland. Iyo Maareeyeyaasha hay’adaha madax-banaan qaarka mid ah.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:            Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay:            In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyayaasha Hay’adda madaxa banaan

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay:   In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Maareeyayaasha Hay’adaha madax-banaan

1.                     Maxamed Xasan Siciid           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2.                     Maxamed Sh. Cumar Xasan   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

3.                     Faysal Cali Sheekh      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

4.                     Dr. Cismaan Xuseen Warsame           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

5.                     Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh)           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

6.                     Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey)    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha

7.                     Maxamed Cali Aaden Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

8.                     Abiib Axmed Cali       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

9.                     Cabdirisaaq Jaamac Nuur       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha

10.                   Maxamed Xuseen Axmed      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

11.                   Xasan Cumar Hoori    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga

12.                   Maxamed Jibriil Aaden           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

13.                   Mukhtaar Maxamed Cali        Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

14.                   Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo)       Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control)

15.                   Cabdi Cali Jaamac      Xog-hayaha Guud ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)

16.                   Eng. Ismaaciil Cabdilaahi Cabdi        Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

17.                   Fahmi Cabdi Bidaar    Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga (NERAD)

18.                   Qaasim Xasan Mataan            Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka

 

Beddel

1.                     Maxamed Xasan Siciid           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah   Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Maamul Wanaaga

2.                     Faysal Cali Sheekh      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta            Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

3.                     Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh)           Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada     Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

4.                     Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey)    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha            Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Caafimaadka

5.                     Xasan Cumar Hoori    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga,  Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

6.                     Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo)       Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control)            Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

7.                     Siciid Saleebaan Mire Xil Suge          Gudoomiyaha Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control)

 

Masuuliinta Xilalka laga nasiyey

1.                     Maxamed Daahir Khayre        Xog-hayihii Guud ee Hore ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC)

2.                     Cabdi Ibraahin Cabdilaahi      Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa

3.                     Mustafe Maxamed Qodax      Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

4.                     Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

5.                     Salaan Cabdi Cige      Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed