GOLAHA MADAXABNAAN : MA JABHAD BAA MISE WAA XISBI?
Waxa Hargeisa lagaga dhawaaqay “ Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga & Toosinta Qaranaka “ GMWTQ”. Waxa ku dhawaaqay Hogaamiyaal ku hadhay doorashooyinkii deegaanka , Wasiiro laga eryayay dawladda Madawayne Siilaanyo, Guddoomiyaha UCID, iyo qaar kale oo badan. Sida ku qeexan Warsaxaafadeedka ay soo saareen, ujeedada loo asaasay waxay ku koobantahay “ Badbaadinta jiritaanka qaranka Jamhuuriaydda Somaliland”
Waxay soo bandhigeen 16 Qodob , oo dhamaantood ah qoddobo siyaasi ah. Distoorka Somaliland wuxuu ogolyahay 3 Xisbi Qaran. Ma ogola Ururo iyo Golayaal siyasadeed oo kale. Haddii uu Golahaasi hirgallo, waxa lagu dhawaaqi doona Golayaal kale oo Badbaado Qaran ah iyo qaar xagjir ah “ Al Qaacida Somaliland . Hadaba, shacabku wuxuu jawaab ka sugayaa Xukuumadda Somaliland, Golyaasha Sharcidejinta iyo Maxkamadda Distooriga ah. Waxa kale oo jawaab laga sugayaa Saddexda Xisbi Qaran ee sharciga ah.
Ramadaan Kareem.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi “, Toronto