Gollaha Madaxa Banaan ee Toosinta Somaliland Mid loo Baahnaa Balse aan Sharci ku Fadhiyin
Hargeysa July 10,2013(SDN)-Waxa maanta magaalada Hargeysa looga dhawaaqay Gole loogu magacdaray Gollaha Madaxa Banaan ee Toosinta iyo Wada Tashiga.
Hadaba waxa cajiib ah in Gollahan baahi walba ha loo qabee aanu sharciyada dalka ku saleysneyn bacdamaa aanu ka mid aheyn unugyada siyasadeed ee sharigu fasaxayo.
Gollahan oo ay ku midoobeen siyasiyiin dibedda ka ah nidaamka siyaasadeed ee dalka isla markaana ka siman mucaaradnimo ayaa waxa weheliya Guddoomiyaha UCID iyo xubno ka tirsan xisbiga Wadani.
Waxa la yaab leh in Gollahan oo u muuqda Siyaasiyan in ay isla jaanqaadeen mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha axsaabta Qaran in hadana ay ka maageen ku biirida Xisbigaasi.
Mucaaridka iyo Mujtamica reer Somaliland waxa aad mararka qaar moodaa weli in aaney fahmin isticmaalka iyo ku dhex shaqeynta shuruucda dalka ee kafaalo qaadeysa xoriyadooda.
Marka la maro sifo walba oo sharcigu fasaxayo ayuunbaa loo gudbaa nidaamka jabhadeynta ama qardajeexa.
Si kastaba ha ahaatee wax walba haatan sababya hab dhaqankan xukuumada Somaliland ee aad moodo in aaneyba ka warheyn halka xaal marayo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com