WASAARAD LA WAREEGA CAKUSE +KA GAADHSIINTA XUKUNKA XAQDARADA AH EE HUBAAL +SIDA UU KA YEELI DOONO CAKUSE+KA HADAL LA,AANTA MAXKAMADA XAQI HUBAAL LABO ISKU BEEGAN!!!!
(KampalaSDN) Waxa maanta maxkamadu xukun iyo ganaax isku lamaan ku riday Maareyaha hubaal Maxamed Axmed Jaamac Calooley oo ay ku riday xukun sanad xariga iyo hal malyan oo ganaax ah.
Halka ay Tafatire Xasan Xuseen Keefkeef ku riday laba sano oo xadhig ah iyo laba malyan oo ganaax ah.
Halka hubaal hore rag afka soo duubtay wariyaasheeda ku weerareen,rag loo qabtay falkaasna aan ilaa iyo haatan maxkamad la keenin!!!!!!.
Daabacada lagu heysto haatana waxa ay la xidhiidha ka dib klkii ay Hargeysa booqdeen rag xukuumadu ay ku sheegtay Ganacsato Yamen ah ay Hubaal shaacisay in ay ahaayeem Masaari kala xaajooneysay xiisadii Nilka.
XUSUUSINTA MADAXWEYNE SILAANYO ABAALKI AY SAXAFADU KU LAHAYD OO UU ILAABAY ILA DHUGO CADAYMAHAN !!!!!!
Xad-gudubka Saxaafada: “……………, Waxba Yaanu Xeerkay I Marin Xoolana I Siin, Xaasha’e Nin Libin Kaa Xistiyey Xumihii Waa Yaabe.
– Xad-gudubka ay xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo ku hayso warbaahinta madaxa banaan ayaa maraysa halkii ugu xumayd abid taariikhda Somaliland, taas oo aanay dalka hore uga dhicin in mar qudha xabsiga loo taxaabo waxa ka mid ah 20 weriye oo cabashadooda ku soo bandhigayey banaanbax nabad ah.
Waxaa marag madoon ah doorkii ay warbaahinta madaxa banaani ka qaateen isbedelkii ay talada dalka kula wareegtay xukuumadani, iyada oo lagu hungoobay balanqaadyadii ku aroorayey dhawrista xoriyada warbaahinta ee ay fagaarayaasha ku soo bandhigi jirtay, balse ayaandaradu ay xilligan mareyso kud ka guur oo qanjo u guur!!!!.
Hadabo waxaan leenahy xukumaada xukunkan xaqdarada ah xukunty waa inaad aragta sida aan ku soo xusnay abaalki ay saxafadu kugu lahayd ,hadii in uun damiir danbeeyo waa in laga noqda xukunkan xaqdarada ah ee lagula kacay madaxweyne codsi dheer waa inaad aad ugu fiirsata waxayaabah kugu xeeran iyo siday cadalada dalku thy hadii kale waxa saxafad ahaan noo cadanaysa inaad raali kala thy !!!!!
Iyana waa lama huraan sidanina!!!
Dhanka kale, muran kuma jiro in hay’adaha warbaahinta ee Somaliland ay qabyo badani ka jirto, taas oo u baahan tabobaro ku wajahan xagga xirfada warfidiyeenada iyo anshaxa lagu hago xogaha ay baahinayaan, iyada oo dawladana looga baahnaa qaban qaabinta iyo maalgelinta aqoon kororsiyo sare loogu qaadayo aqoonta dhalinyarada ku hawlan shaqadan. Masuuliyiinta Warbaahinta amaTifaftirayaasha laftooda lagama saari karo isfaham-waaga dhex-yaal warbaahinta iyo xukuumad walba oo hogaanka u qabata talada dalka somaliland.
Hadabo haadaanu nhy saxafada somaliland waanu canbarayna xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay labadan wariye ee kala ah mareeyaha iyo tafatiraha wargayska hubaal.
Hadabo waxa kale oo xusitaan mudan inaana ku darno warbixin kooban oo aan ku eegi doono samaynta kala fogaanshe ee ay xukumaadu ku soo dhaweysay wasiirka cusub cakuse ,waxaan taas cadaynayasa sida ay isku marka uu dhaceen xukunka xaqdarada ah iyo lawareega xilka wasiirnimo ee wasaarada war faafinta oo aha labo iksu lamaan, samayna ku yeelan doona hadii uu xaliyan uu ahaan doono shaqsi ka dhabeyey siid gobonimada lahayd ee saxafu uu soo dhaweysay iyo waliba waayo aragnimada uu leeyhy garan karo haduu aad uu dhugto .
Talo soo jeedin
1: Waa in sida ugu dhaqsaha badan xoriyadooda loogu celiya si uu hagaago xidhiidhka xukumada iyo saxafadu.
2: Waa in xukumaadu aany abaalki saxafadu ku lahayd xiligi ay talada dalka ku guulaysanysay doorki ay saxafadu xukumaada la garab taagnayd wax cadna ahayd.
3: Wasiirka warfafaintu waa in maadamo uu xukunka iyo lawareegida xilku isku beegnayeen uu hada wax ka qabta maadaamo saxafdu markiiba hanbalyeysay xilka loo magacabay si aanu uu xumaan xidhiidhku hada bilaabi laha.
4: Hadii uu dhaco arinka sii daynta labada wariye waxa hubaal ah inuu hagaagi doono xidhiidhka ka dhaxayn doona xukumaada iyo saxafada lkn hadii kale uu xum…………!!!!!
khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
Wariye khadar bitijoor
OFFICE SDNEEWS UGANDHA