|

“Siilaanyo isaga ayuu ahaa Kii Idaacada Sharci darada ah Samaystay,Waxaa Maanta la Gawracay Xoriyatul Qawlkii” Xoghayaha Warfaafinta Waddani {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.July (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ayaa Si adaga u Canbaareeyay Xukunkii ay Maxkamadu maanta ku Riday Maareeyihii iyo Tifaftirihii Wargayska Hubaal Waxaanay Sheegeen in Maanta loo fadhiyo aaska Xoriyatul Qawlka Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Xasan Dirir oo Markii Xukunka Maxkamadu ku dhawaaqday Warfidiyeenada kula hadlay Wajahada hore ee Maxkamada ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay inuu Horseeday in dalka laga Hirgaliyo Idaacado Sharci daro ah isla markaana uu Mas’uul ka yahay Nidaamyada Qariban ee Wadanka lagaga dhaqmo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/05DIRIR(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed