“Afartii Dawladood ee Somaliland soo maray Waxaan ka Noqday Wasiir” Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Abiib Timacad {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.July (SDN) Wasiirkii hore ee Warfaafinta haatana loo bedelay Wasaarada Wershadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur “Abiib Timacad” ayaa Tilmaamay Waaxyaha ay Wasaaradani ka Kooban tahay iyo Waxyaabihii u qabsoomay Mudo Sagaal bilood iyo Dheeraad ah oo uu Xilkeeda hayay waxaanu Tusaale u soo qaatay in Guusha u Weyn ee ay gaadheen ay Tahay in Idaacada Radio hargaysa ee afka dawlada ku hadasha laga dhagaysan karo Guud ahaan Gobolada Somaliland,Wadamada Mandaqada iyo Dalal kale oo Somaliland ka Durugsan.
Mudane Abiib Timacad waxa uu hadalkan ka Jeediyay Munaasibad uu Xikii Wasaarada Warfaafinta ugu Wareejinayay Wasiirka Cusub ee loo Magacaabay Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AbiibJuly.mp3″]
Hargaysa SDN.
QurbeJoog.com