Garsoorihii Xukumay Werfidiyeenadii Hubaal ee Xabsiga loo Taxaabay oo ka hadlay Xukunka Maxkamada .
Hargaysa 03.July (SDN Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ka mida garsoorayaasha maxkamada degmada Hargeysa ayaa saaka xukun ku riday masuuliyiin ka tirsan wargeysa Hubaal.
Garsooraha oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada loo adeegsaday xukunka Masuuliyiinta wargeysa Hubaal, waxaanu sheegay in danbigii lagu soo eedeeyey uu ku cadaaday waxaana hadaladisii ka mid ahaa ? Xasan Xuseen Cabdilaahi oo ah tafatiraha wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay laba sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa, tafatiruhuna waa ninka qoraalka sameeya ee wixii ceeba iyo waxan ahayn kala saara, Maxamed Axmed Jaamac oo ah maareeyaha guud ee wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa”.
Garsooraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?danbigan aanu ku qaadnay wargeysa waxa weeye inuu aflagaadooyin iyo been abuur ku sameeyey xukuumada, iyo dad kale, waxaana ka mida inay sheegeen in safaarada wadanka Ethiopia ay khamri soo galiso wadanka taas oo ah been, waxa kale oo ka mida inay wax ka sheegeen xukuumada somaliland iyo madaxda ugu saraysa qaranka, sidaas darteed anaga oo cuskanayna 287 iyo qodobo kale wargeyskaas danbigii wuu ku cadaaday.?
Garsooraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wargeysa Hubaal aan laga qaadayn xayiraada ilaa inta ay masuuliyiintiisu dhamaysanayaan xadhiga lagu xukumay waxaanu yidhi ?Dacwadan waxa ka hadlay laba daraf kuwaas oo kala ahaa xeer ilaalinta iyo qareenka eedaysanayaasha,kuwaas oo qolana danbiga oogaysay qolada kalana iska difaacaysay sidaas darteed qareenka eedaysanayaashu iskamay rogin eedayntii loo soo jeediyey, wargeyskana lagama qaadanayo xayiraada, balse waxa laga qaadanayaa marka ay dhamaysteen xukunkooda.?ayuu yidhi garsoore Cismaan Ibraahin Daahir.
Xukunkan ay Maxkamadu ku Riday Maareeyihii iyo Tifaftirihii Wargayska Hubaal ayaa Noqonaya Kii u Horeeyay ee Noociisa ah ee ay Maxkamadu Go’aamiso tan iyo Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminta Qaranka Hayay ,Sidoo kale Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururada Saxaafada ayaa Xukunkan ku tilmaamay Mid baalmarsan Xoriyatul Qawlka iyo Madax banaanida Saxaafada.
Hargaysa SDN.
QurbeJoog.com