Maxkamada Hargeysa oo Xukun,Xarig iyo Xanibaad isu raacisay Maareyahii iyo Tafatirihii Wargeysaka Hubaal
Hargeysa July 03,2012(SDN)-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta dhegeysatay dacwad xukuumadu ku so oogtay Maareeyaha iyo Tafatiraha Jariirada HUBAAL ee ka soo baxda Hargeysa.
Maxkamada ayaa Maareyaha Maxamed Axmed Jaamac Calooley ku riday xukun sanad xariga iyo hal malyan oo ganaax ah.
Halka ay Tafatire Xasan Xuseen Keefkeef ku riday laba sano oo xadhig ah iyo laba malyan oo ganaax ah.
Hubaal ayaa hore rag afka soo duubtay wareiyaasheeda u weerareen,rag loo qabtay falkaasna aan ilaa iyo haatan maxkamad la keenin.
Daabacada lagu heysto haatana waxa ay la xidhiidha ka dib klkii ay Hargeysa booqdeen rag xukuumadu ay ku sheegtay Ganacsato Yamen ah ay Hubaal shaacisay in ay ahaayeem Masaari kala xaajooneysay xiisadii Nilka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com