Dahabshiil oo ka Digay in Xawaaladuhu Suuq Madoow ku Shaqeyn Doonaan,iyo jiritaanka Diiwaan magacyada Shabaabka lagu keydiyo
Nairobi July 03,2013(SDN)-Maamulaha Dahabshiil ayaa wareysi uu siiyay barta Internetka ee AP waxa uu uga waramay sida lacaguhu ku gaari doonaan Soomaaliya hadii Barclays ay joojiso wada shaqeynta ay la wadaagto Xawaaladaha.
Cabdirashiid Ducaale ayaa sheegay in Lacaguhu mari doonaan “Suuq Madoow” hadii Soomaalida ay awoodi waayaan in lacagaha eheldooda ay u diraan u mariyaan Bananka.
Mr Ducaale ayaa ayaa hore uga dalbaday in Baanka qura ee haatan wadashaqeyntu ka dhexeyso Xawaaladaha uu ka noqdo goaan ay ku joojinayaan wadashaqeyntaasi.
Soomaalida Qurbejooga ah ayaa $1.2 billion dollar u dira eheladooda dalkii ku nool sanad walba,sida ay laga soo xigtay warbixin ay dhawaan daabacday Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Raashinka iyo Beeraha.
“Maxaa Xal ah? xalku waxa uu noqonayaa in dadku Suuqa madoow u beyraan,cidina ogaan meyso cida lacagahan dirta,lacagahana Jeebka ayaa lagu qaadi doonaa,duyuuradahaa lala raaci doonaa” ayuu yiri madaxa Dahabshiil.
“Waxaanu u hogaansanaa shuruucda lacagaha,dadka waxaanu weydiinaa aqoonsi,waxaana magacooda ka eegnaa Diiwaan lagu keydiyo magacyada Shabaabka,khatartuna waa ay iska jirtaa mar walba,khatartuna kuma koobna shirkad gaar ah”ayuu mar kale yiri Cabdirashiid ducaale
Kolkii todobaadkii hore ay soo shaac baxday in Banka Barclays uu shaaciyay in uu joojinayo lacag ka qabashadii Xawalaadaha waxa isa soo taray dareen naxdin leh oo laga muujnayo habka iyo hanaanka lacagaha masruufka ah ee qurbajoogu ehelkooda u diraan.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com